Mareykanka oo weerar aargoosi ah ka fuliyey Afghanistan

Kabul (Caasimada Online) – Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ee nooca Drones-ka ayaa weerar dhinaca cirka ah ka fuliyey bariga Afghanistan, iyada oo lagu beegsaday kooxda Isis-K oo ah urur-goboleed ka tirsan kooxda la magacbaxday dowladda Islaamka.

Weerarkan oo ahaa mid aargoosi ah ayaa ka dhacay gobolka Nangarhar, iyada oo lagu bartilmaameedsaday gaari uu la socday sarkaal kooxda Isis-K u qaabilsanaa qorsheynta.

Wakaaladda wararka Reuters ayaa daabacday in duqeyntaas ay u dhacday sidii loo qorsheeyey, isla-markaana ay fulisay diyaarad kuwa qumaatiga u kaca ah oo ka soo duushay saldhig aan la magacaabin oo uu Mareykanka ku yaal Bariga Dhexe.

Sidoo kale militeriga Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday inay rumeysan yihiin inay khaarijiyeen sarkaalkaasi, walow aysan shaacin magaciisa dhabta ah.

Maalin ka hor ayey aheyd markii qaraxyo is xig-xigay oo ay sheegatay Daacish ay ka dhaceen agagaarka garoonka diyaaradaha Kabul, waxaana ku dhintay ku dhawaad 170 qof oo ay ka mid yihiin 12 askari oo ka tirsanaa ciidamada gaarka ah ee dowlada Mareykanka.

Kadib weerarkaasi Madaxweyne Joe Biden ayaa wacad ku maray inay baacsan doonaan kooxihii ka dambeeyay weerarka lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee Kabul.

Si kastaba weeraradan ayaa kusoo aadayo, xilli weli ciidamada Mareykanka ay wadaan daad-gureynta dadka ka baxsanaya Afghanistan, kadib markii ay la wareegtay Taalibaan.

The post Mareykanka oo weerar aargoosi ah ka fuliyey Afghanistan appeared first on Caasimada Online.



source https://www.caasimada.net/mareykanka-oo-weerar-aargoosi-ah-ka-fuliyey-afghanistan/

Post a Comment

0 Comments