Garoowe (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowlad goboleedka Puntland ayaa saaka toogasho ku fuliyey llaa 21 ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo ay horey xukun dil ah ugu ridday maxkamadda ciidamada maamulkaasi oo go’aan ka gaartay kiiskooda.
Xubnaha la toogtay oo dhammaan rag ah ayaa waxaa ay ahaayeen shabakado isku xirnaa oo ay Puntland ku eedeysay inay dad badan ku dileen magaalooyinka maamulkaasi.
Toogashada ayaa ka kala dhacday Gaalkacyo oo lagu dilay 18 xubnood, Garoowe oo lagu toogtay labo xubnood iyo xubin kale oo lagu toogtay magaalada Qardho ee gobolka Bari.
Sidoo kale ragga la toogtay ayaa waxaa ku jiray saraakiil sar-sare oo horey wareysiyo looga qaaday, kuwaas oo qirtay inay ka tirsanaayeen l-Shabaab, isla-markaana ay dilal iyo qaraxyo khasaare dhaliyey ka fuliyeen gudaha Puntland, waxaana ka mid ahaa Faysal Axmed Bashiir (Gujis), Maxamed Xaashi Mu’min (Abu-Dayib) iyo Maxamed Cali Cuuke (Jeeri).
Si kastaba waa markii ugu horreysay oo hal maalin oo kaliya toogasho lagu fuliyo dad gaaraya 21 ruux gudaha Soomaaliya, kuwaas oo ka mid ah xoogaga Al-Shabaab.
Puntland ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay xoojisay dagaalka ay kula jirto kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish oo fadhigooda uu yahay dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari.
The post Puntland oo dil toogasho ah ku fulisay 21 ka tirsanaa Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
source https://www.caasimada.net/puntland-oo-dil-toogasho-ah-ku-fulisay-21-ka-tirsanaa-al-shabaab/
0 Comments