Yaa furay shirka wadatashiga DF iyo dowlad goboleedyada ee Afisyooni?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Maanta waxaa magaalada Muqdisho ka furmay shir wadatashi ah oo ay isugu yimaadeen madaxda dowladda dhexe, dowladaha xubnaha ka ah Federaalka iyo gobolka Banaadir, waana shir ay albaabada u xiran yahiin oo ka socda teendhada Afisyooni.

Shirkaan ay saxaafadda dibad joogga ka tahay ayey xubnaha ka qeyb galaya kaga arrinsanayaan ajandaha shirweyne lagu saxiixo heshiis doorasho loo dhan yahay, waxaana lagu kala duwan yahay furitaanka shirka.

Warbaahinta dowladda waxey sheegeen in shirka uu furay madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyadoo wakaaladda wararka ee SONNA lagu qoray qoraalkaan:

“Madaxwaynaha JFS mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa furay shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dhamaystirka Arimaha Doorashooyinka, oo ay goob joog ka yihiin, Ra’iisul wasaaraha XFS ,Madaxda maamul gobolleedayda dalka iyo maaamulka gobolka Banadir”

Sidoo kale afhayeenka madaxweynaha Puntland ahna agaasimaha madaxtooyada dowlad goboleedka Puntland Jaamac Deperaani ayaa bartiisa soo dhigay in Saciid C/llaahi Deni uu ka qeyb galayo kulanka isla markaana kuma xusin inuu shirka furay madaxweynaha muddo xileedkiisa dhaamaday walow uu dowladda ku sheegay inuu wakhtiga ka dhamaaday.

“Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa hadda ka qeybgalaya Shir hordhac ah oo dhexmaraya Madaxda Dowladda DFS ee wakhtigoodu dhammaaday iyo Dowladaha xubnaha ka ah DFS, kaasi oo loogu gogol xaarayo Shirweynaha wadatashi oo looga hadlayo arrimaha doorashada” ayuu yiri Jaamac Deperaani

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yiril: “Shirka oo ka socda teendhada Afisyooni waa mid ay albaabadu u xiran yihiin, waxaana ujeedkiisu yahay in is afgarad laga sii gaaro Ajandaha iyo habka uu u qabsoomayo Shirweynaha wadatashi ee arrimaha Adoorashada”

Si kastaba shirkaan oo uu sidoo kale ka qeyb galay ra’iisul wasaaraha xil gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaan wax war ah laga heynin, waxaana la sugi doonaa wixii warar ah oo laga soo tabiyo.



source https://www.caasimada.net/yaa-furay-shirka-wadatashiga-df-iyo-dowlad-goboleedyada-ee-afisyooni/

Post a Comment

0 Comments