Sacuudiga oo shuruud adag ku xiray soo celinta cilaaqaadka maamulka Israel

Riyadh (Caasimadda Online) – Wasiirka arrimaha dibedda ee boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegay in heshiiska suurtagalka ah ee soo celinta cilaaqaadka Israe uu ku xiran yahay horumarka geeddi-socodka nabadda, sidoo kalana uu ka faa’iideysan doono gobolka.

Wasiirka oo wareysi siinayay warbaahinta khamiistii lasoo dhaafay ayaa sheegay in xiriirka Israel oo caadi laga dhigo ay keeni karto faa’iido baaxad leh oo gobolka guud ah, wuxuuna dhan walba ka tusay bulshooyinka waxa faa’iido ku qarsoon in la wanaajiyo maamulka Israel.

“Waxay aad u caawin laheyd dhaqaale ahaan, bulsho ahaan iyo dhanka amniga,” ayuu ku yiri wareysiga uu siiyay CNN, isaga oo intaa raaciyey inay macquul noqon karto heshiiska hadii la helo dowlad Falastiin ah oo ku taal xuduuda 1967.

Sacuudi Carabiya waxey doonayaan in Falastiin ay noqoto dal madax bannaan sidii ay kal hor sheegeen, waana faallo la mid ah mid ay hadda ka hor dhiibtay, iyadoo arintaan ay tahay mid aan la ogeyn saameynta ka dhalan karta.

“Waxa aan u baahanahay inaan ka dhabeyno waa heshiis nabadeed oo u horseedaya dowlad Falastiin sharaf leh iyo madaxbannaanida lagu shaqeyn karo oo Falastiiniyiinta ay aqbali karaan” ayuu yiri Amir Feysal sanadkii hore.

Boqortooyada Sacuudiga waxey muddo badan ku fakareysay soo celinta xiriirka Israel, balse waxey ku adkeysaneysaa iney ku tala jirto tallaabo lagu beddeleaayo abuuritaanka dowlad Falastiin ah oo ka dhaxeysa xuduudaha 1967.

Dalalka xulafada la ah Sacuudiga ee Imaaraadka iyo Baxreyn ayaa xiriirka Yahuuda kusoo celiyey heshiis uu soo agaasimay madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump, waxaana jirtay in Falastiiniyiinta ay si adag u cambaareeyeen, walow dadka qaar ay wali tuhunsan yahiin in Sacuudiga ay raaci doonaan kuwa ka horreeyay iyadoo aan la eegeynin danaha reer Falastiin.



source https://www.caasimada.net/sacuudiga-oo-shuruud-adag-ku-xirtay-soo-celinta-cilaaqaadka-maamulka-israel/

Post a Comment

0 Comments