Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka laga helayo magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in goor dhow qarax is-miidaamin ahaa uu ka dhacay gudaha magaaladaasi, kaas oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.
Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu fuliyey ruux isku xiray walxaha qarxa, kaas oo dhex-tegay goob lagu shaaxo ay oo ay ku sugnaayeen mas’uuliyiin, askar iyo shacab.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxan la doonayey in lagu khaarijiyo guddoomiyaha gobolka Baay Cali Wardheere oo meesha uu ku sugnaa, walow uu ka bad-baday qaraxa.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ay waxyeelo soo gaartay qaar ka mid ah ilaalada guddoomiyaha iyo dad kale oo shacab ah oo ku sugnaa halkaasi.
Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana socda gurmad loo fidinayo dadka ay waxyeelada soo gaartay iyo baaritaano ay wadaan ciidamada ammaanka.
source https://www.caasimada.net/war-deg-deg-ah-qarax-is-miidaamin-ah-oo-ka-dhacay-magaalada-baydhabo/
0 Comments