Sababta DHAQAALE ee ka dambeysa Islaam naceybka iyo qorshaha reer galbeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarnigii 19-aad, Masiixiyiinta ayaa aad ugu badnaa dunida. 1950-kii iyo dagaalkii qaboobaa waxay dadweynihii masiixigu gaareen 960 million , halka dadweynaha Muslimiintuna ay gaareen 408 million. Dhamaadka dagaalkii qaboobaa sanadkii 1990-kii, Dadweynaha Masiixiga ah waxay gaareen 1.748 billion, halka Muslimiintuna ay kor u dhaafeen 1billion.

Hadda, inkastoo tirada dadka Masiixiga ah ay ku sii dhowaanayaan 2.4 billion, dadweynaha Muslimiintuna waxay gaareen 1.9 billion, tiradaas oo aad u korortay 30-kii sano ee lasoo dhaafay. Sida ay tiradu hadda ku socoto waxay muujineeysaa in Muslimiintu ay Masiixiyiinta ka badnaan doonaan 100 million marka lagaaro sanadka 2070-ka, iyadoo tiradoodu ay noqon doonto 3.5 billion.

Waxay u muuqataa in qaar ka mid ah dunida Masiixiga ah ay ka warqabaan xadiga dadweynaha iyo kororka heerka nololeed ee Muslimiintu in ay dheeli-tiri doonto dhaqaalaha iyo siyaasadda adduunka.

Sidaas darteed, rajada ay ku joojin karaan isdebelkaas lagama fursadaanka ah waa in ay isku dayaan in ay abuuraan caqabad, iyagoo kobcinaya Islaam-nacaybka.

Si kastaba, dadaalada lagu joojinayo tartanka sii kordhaya ee dhaqaalaha dunida, isla markaana dib loogu celinayo kororka awoodda gobollada ay dadweynaha Muslimiintu ku badanyihiin ee ah soo saarista Technology-yad wadata islaam-nacayb waxay keeni karaan caqabad ka duwan sida ay u malaynayaan.

Sida uu hoosta ka xariiqay Professor Fahrettin Altun, waa muhiim in la helo hindise ka dhan Islaam-nacaybka, hadalka nacaybka ku saleysan iyo xad gudubka ka dhan ah Muslimiinta.

Professor Altun waxaa uu sidoo kale dadkii dhageysanayay xasuusiyay in Dowladda Turkiga oo taageere u ah kala duwanaanshaha iyo sinaanta, uu qaadayo talaabooyin taariikhi ah oo uu kula dagaalamayo hayb-sooca diinta.

Waqti siyaasiyiinta Muslimka ah iyo kuwa aragtida sameeya ay door muhiim ah ka cayaarayaan baarlamaanada iyo hey’adaha dowladaha dalalka Yurub iyo awoodda kordheysa ee muslimiintu ku leeyihiin siyaasadda dhaqaale ee dunida, mahan wax ay aqbali karaan qaar Masiixiyiinta ka mid ah gaar ahaan kuwa xagjir ka ah, kuwaas oo maamulayay nidaamka caalamiga ah tan iyo sanadkii 1830-akii.

Kuwa cusub ee la dhaho ‘Atlantic-ga’

Dhamaadka dagaalkii qaboobaa waxaa uu qorshe iyo dano kala duwan ka dhex abuuray xulifadda Atlantic-ga.

Labadda dhaqaale ee ugu weyn Yurub, Germany iyo France waxaa ay kordhiyeen mashariic hami leh, sida dalalka Europe oo mid ah, ciidanka Europe oo mideysan, iyo qorsheynta mustaqbal cusub Maraykanka la’aantiis.

Hindisahaas mahan mid baqdin gelinaya dhanka kale ee Atlantic-ga, iyadoo Maraykanku uu ku tala galayo Mashruuc cusub oo ku wajahan Asia-Pacific. Doodaha la xariira xulifadda Atlantic-ga, waxaa la sameeyay iyadoo lagu tashanayo Atlantic-ga kadib sida ay wax noqon doonaan.

Tan waxaa sabab u ah shabakadda Atlantic-ga oo boosas muhiim ah ka helay Washington, London, Paris iyo Berlin, waxayna rumeysanyihiin in danta cusub ee dhaqale iyo siyasadeed iyo ganacsiga cusub ee kusoo fidaya bariga ay ka soo jiidasho badanyihiin duni ku eg Atlantic-ga.

Sidaas darteed siyaasiyiinta soo dhaweynaya iskaashi cusub oo dhexmara Ruushka iyo Shiinaha waxay maal geliyeen dadaallo iyo mashaariic horudhac ah, waxaa arrrintaas taageeray shabakadda Atlantic-ga.

Si kastaba, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump markii uu yimid Aqalka Cad , waxaan aragnay dagaal weyn oo dhexmaray taageerayaasha Atlantic-ga cusub iyo Atlantic-gii hore, kaasi oo aad ugu dhex faafay Maraykanka iyo xulifadda Atlantic-ga.

Xilligii Bil Clinton iyo Barack Obama waxaa jiray barnaamij siyaasadeed iyo dhaqaale, kaasi oo lumiyay tageeradii loo hayay Atlantic-ga, shabakadda u ololeysa isku xirka aduunyada Washington ka heshay saldhig.

Sidaas darted koox aan ku qeexi karno taageerayaasha Atlantic-ga cusub ayaa u muuqda in ay dib usoo celinayaan  fir-fircoonidii hore ee xulifadda, iyagoo dagaal ku bilaabaya dal walba ee xubin ka ah, isla markaana muujinaya calaamad ah in laga tagayo mabaadii’idii 1947-dii.

Sidaas darteed Maraykanku waxaa uu kordhinayaa xiisadda kala dhaxaysa Germany iyo France, mucaaradnimadda u dhaxaysa Madaxweyne Trump, Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyo hoggaamiyaha Germany Angel Markel, waa in si fiican loo fahmaa.

Hadii Trump iyo taageerayaasha Atlantic-ga cusub ay ka go’antahay in ay soo celiyaan fir-fir-coonidii Atlantic-ga, iyagoo hareer maraya yoolalka istiraatiijiga ah, waa in ay si buuxda uga warqabaan in Turkigu uu yahay saaxiib lagama maarmaan ah. Sababtoo ah, haddii fir-fircoonida Atlantic-ga ay tahay in lagu soo celiyo bartamaha Asia ilaa Balkans-ka, Badda Cas ilaa Badda Woqooyi, Turkiga ayaa fure u ah qorshahaas.



source https://www.caasimada.net/sababta-dhaqaale-ee-ka-dambeysa-islaam-naceybka-iyo-qorshaha-reer-galbeedka/

Post a Comment

0 Comments