Muqdisho (Warar Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga wuxuu uga hadlay qodobo xasaasi ah, sida arrimaha Galmudug, xaaladda Koonfur Galbeed, gaar ahaan xariga Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) iyo heshiiska Axmed Madoobe iyo mucaaradkiisa.
Ugu horreyn Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa boggaadiyey heshiiska ay gaareen madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor iyo madaxweynihii hore ee maamulkaasi, Axmed Ducaale Geelle (Xaaf)
Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu ka war-hayo heshiis haatan u socda madaxweynaha Jubbaland iyo mucaaradkiisa, isagoo sheegay inuu marayo gabagabo.
Dhinaca kale siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa soo hadal qaaday xariga Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo weli u xiran dowladda.
Guddoomiyaha xisbiga Wadajir ayaa ugu baaqay dowladda federaalka inay sii deyso Roobow, si uu heshiis ula gaaro madaxweynaha K/Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen.
Ugu dambeyn wuxuu dalbaday in si wadajir ah loogu istaago colaadaha ka soo cusboonaaday magaalooyinka Kismaayo, Wanlawayn iyo Diinsoor, si xal loogu helo.
Halkaan hoose ka aqriso qoraalka siyaasiga:
Waxaan bogaadinayaa daddaalka uu madaxweynaha Galmudug mudane Axmad Qoorqoor kula heshiiyey mucaardkiisa. Waxaan xog ku hayaa in heshiiska Madaxweyne Axmad Madoobe iyo mucaaradkiisa heer gebagebo ah marayo. Waxaan dawlada Federaalka ah ugu baaqayaa in ay xabsiga ka sii dayso Mukhtaar Robow si loo gaaro heshiis dhexmara madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo mucaaradkiisa ka dibna loo diyaar garoobo gogasha wadahadal ee Garowe fidsan.
Waxaan mar kale ku baaqayaa in aan dhamaanteen dadddaal wadajir ah u galno deminta dagaalada sokeeye ee duleedka Kismaayo, Degmada Wanlawayn iyo Diinsoor ka socda. Waa colaado danbiyo dagaal lagu galay, dhaawacayna dadnimadeena iyo magaca ummadnimo ee qarankeena.
Ilaahow quluubta dadkeena isku soo dhoweey, dhiiga qubanayana istaaji, dabaysha Koroonana Fayrisna itaal uma haynee naga badbaadi. Aamiin
source https://www.caasimada.net/cc-shakuur-oo-dalab-xasaasi-ah-hor-dhigay-df-soomaaliya/
0 Comments