MW Farmaajo oo war ka soo saaray geerida madaxweynihii hore ee maamulka Puntland

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay geeridii ku timid Allaha u naxariistee madaxweynihii labaad ee Puntland, Maxamed Cabdi oo xalay ku geeriyooday Kenya.

Qoraal ka soo baxay madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa tacsi loogu diray ehellada marxuumka, madaxweynaha Puntland, ku xugeenkiisa iyo bulshada maamulkaasi.

Sidoo kale warkana ayaa waxaa lagu sheegay inuu marxuumka ahaa oday Soomaaliyeed oo ay ku weyn tahay dowladnimada dalka.

Halkaan hoose ka aqriso:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi oo ku geeriyooday Dalka Kenya.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Marxuumku uu kaalin mug leh ka soo qaatay aas-aaska Dowlad Goboleedka Puntland, isaga oo noqday Madaxweynihii 2-aad iyo sidoo kale Madaxweyne Ku-xigeenkii ugu horeeyey ee hoggaamiya dowlad-goboleedkaasi.

“Inaa lillaahi wa innaa ilahayhi raajicuun. Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi waxa uu ahaa odey Soomaaliyeed oo ay ku weyn tahay dowladnimada dalka iyo dib u soo celinteeda. Alle waxaan uga rajeynayaa in uu hoygiisa ka yeelo Janatul Firdowsa, samir iyo iimaanna ina ga siiyo.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si gaar ah ugu tacsiyeeyey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani, Ku-xigeenkiisa Mudane Axmed Cilmi Cismaan, Bulshada Puntland, gaar ahaan qoyskiisa oo uu u horeeyo wiilkiisa mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi iyo ehelada uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee Marxuumku.



source https://www.caasimada.net/farmaajo-oo-war-ka-soo-saaray-geerida-madaxweynihii-hore-ee-puntland/

Post a Comment

0 Comments