Nairobi (Caasimada Online) – Ciidamada la dagaalanka argagixisada ee Kenya ayaa howl-galo ay xalay fiidkii ka sameeyen magaalad Eldoret kusoo qabtay rag ku howlanaa qarax aan ilaa hadda noociisa la aqoonsan.
Ciidamada ayaa gacanta kusoo dhigay labo ruux iyo walxo loo adeegsado qaraxyada, iyada oo isla markiiba loo dhaadhiciyay xarunta CID-da.
Raggan ay ciidamadu gacanta kusoo dhigeen ayaa lagu kala magacaaba Maxamed Axmed Bashiir, oo 59-sano jir ah iyo Nasanga Ibrahim oo isaguna 68-jir ajnabi ah, sida uu sheegay Taliska Hay’adda dambi-baaristu.
Taliska ayaa sidoo kale xusay in labadoodaba lagu bilaabay baaritaano ku aadan walxaha ay wadeen iyo waxyaabaha ay damacsanayeen, iyagoo ku jira xabsi sharci ah, waa sida uu hadalka u dhigaye.
Walxaha lagu soo qabtay ragaasi ayaa waxa kamid ahaa: Fusuuyadda loo adeegsado qaraxa, fiilooyinka lagu rakibo iyo baaruud, iyada oo dhamaantood ay la wareegen ciidamadu.
Kenya ayaa marar badan wajahda falal amni daro oo uga yimaada kooxaha argagixisada, xili uu dhawaan Mareykanku ka digay weeraro ay Al-Shabaab ku beegsan karto xarumo waaweyn oo ku yaala caasimada dalkaasi ee Nairobi.
source https://www.caasimada.net/laba-qof-oo-mid-ajnabi-yahay-oo-la-qabtay-iyagoo-qarax-qorsheynaya-faah-faahin/
0 Comments