Mid ka mid ah rag maanta dil ka geystay duleedka Muqdisho oo isna la toogtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya is-rasaaseyn maanta dhex-martay askari ka tirsan ciidamada dowladda iyo kooxo hubeysan oo dil ka geystay deegaanka Garasbaaley ee duleedka magaalada Muqdisho.

Iska hor imaadka ayaa yimid, kadib markii askari ka tirsan ciidamada dowladda ay dileen kooxda hubeysan, kadibna ay xigtay is-rasaaseyn dhexmartay askari kale oo la socday midka la dilay iyo ragga hubeysan, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Wararka ayaa sheegaya in mid ka mid ah ragga toogtay askariga isna lagu dilay iska hor imaadka dambe, sidoo kalena uu dhaawac soo gaaray askari la dagaalamay kooxdaasi.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya oo baaritaano ka bilaabay halkaasi

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan dhacdaaasi.

Ciidamada dowladda ayaa inta badan weeraro gaadma ah kala kulama kooxda Al-Shabaab oo dilal qorsheysan ka fulisa gudaha iyo hareeraha magaalada Muqdisho.



source https://www.caasimada.net/mid-ka-mid-ah-rag-maanta-dil-ka-geystay-duleedka-muqdisho-oo-isna-la-toogtay/

Post a Comment

0 Comments