Mareykanka oo sameeyey qirasho ku saabsan Somalia

Washington DC (Caasimada Online) – Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ee (Pentagon) ayaa markii saddexaad qirtay in ololeheeda duqeynta ee ka dhanka ah kooxaha argagixisada Al-Shabaab, ee socday in ka badan toban sano, uu sababay qasaaraha dad rayid ah, sida lagu caddeeyay warbixin militari talaadadii soo baxday.

Taliska Mareykanka ee Afrika, ayaa xaqiijisay warbixinnada ay hay’adda Amnesty International ka soo saartay duqeymaha cirka Mareykanka ee ka dhacday 2-Febraayo magaalada Jilib in lagu dilay Nurto Kusow Cumar Abuukar, 18 jir, waxaana ku dhaawacmay labadeeda gabdhood oo yar yar iyo ayeeyadood. Duqeyntaasi oo aheyd mid lala beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ee xiriirka la leh Al Qaacida.

“Hadafkeenu waa inaan mar walba yareynno saameynta dadka rayidka ah, nasiib darase waxaan aaminsanahay in howlaheena ay sababeen dhimashada hal qof iyo dhaawaca seddex kale oo aan damacsaneyn inaan bartilmaameedsano” ayuu yiri Gen. Stephen J. Townsend, Taliyaha Taliska ciidamada Afrika ee Mareykanka

Sanadkii la soo dhaafay, Taliska Afrika wuxuu ballan qaaday inuu dib u eegi doono dhammaan hawlgallada milatari ee ka socda Somalia illaa iyo 2017. Dib-u-eegista kadib, waxay qirteen dhimashada afar qof oo rayid ah oo lagu bartilmaameedsaday laba weerar oo kala dhacay 2018 iyo 2019.

Warbixin ay soo saartay hay’adda Amnesty International ayaa lagu sheegay in hadda  waajib tahay isla xisaabtan iyo in magdhaw laga bixiyo dhibanayaasha iyo qoysaskooda sidaasi waxaa Nytimes u sheegay Brian Castner.

Amnesty International ayaa waxay diiwaan gelisay in ka badan 20 qof oo rayid ah kuwaasi oo lagu dilay tiro yar oo weeraradaasi ah.

Milateriga Mareykanka ayaa in ka badan 180 weerar oo cirka ah ka fuliyay gudaha Somalia ilaa sanadkii 2017, 42 ka mid ahna ay dhaceen sanadkaan 2020 .



source https://www.caasimada.net/mareykanka-oo-sameeyey-qirasho-ku-saabsan-somalia/

Post a Comment

0 Comments