Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dooni siday rakaab oo shalay gelinkii dambe ku qalibantay dhanka bari ee xeebta magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose.
Wararka ayaa sheegaya in doonidaas oo ka baxday xeebta Jaziira ee magaalada Muqdisho inay ku degtay meel qiyaastii 18 KM u jirta magaaladaasi.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in doonida ay la socdeen illlaa 11 qof, kuwaas oo qaarkood la soo bad-baadiyey.
Sideed ka mid ah dadkii la socday doonida ayaa lagu soo warramayaa inay soo bad-baadeen, halka qof ka mid ah rabaabka uu geeriyooday, kaas oo ahaa askari ka tirsan ciidamada dowladda oo la sheegay ku sii jeeday deegaan ka tirsan gobolka Sh/ Hoose.
Sidoo kale waxaa nolol iyo geeri lagu la’yahay laba ka mid ah rakaabkii la socday doonta, kuwaas oo haatan laga baadi goobayo xeebaha magaalada Marka.
Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in shilkan uu sababay dabeylo xoogan oo haatan ka jira xeebaha Soomaaliya.
Inta badan dadka u safra Marka ayaa isticmaala doonyo ka baxa Muqdisho, cabsi laga qabo darteed dagaalyahanada Al-Shabaab oo go’doomiyey jidadka mara Sh/Hoose.
source https://www.caasimada.net/doon-ay-dad-badan-la-socdeen-oo-ku-degtay-xeebta-magaalada-marka/
0 Comments