Xog: Al-Shabaab oo shalay dhexdooda ku dagaalamay degmada Jilib iyo sababta

Jilib (Warar Online) – Warar aan ka helnay degmada Jilib ee gobalka Jubada Dhexe ayaa soo sheegaya in shalay ay halkaasi ku dagaalameen maleeshiyaad ka wada tirsan ururka Al-Shabaab.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu dhaxmaray ciidamada Xisbada iyo kuwa Jabhadaha ee Malitariga, waxa uuna dagaalkooda salka ku hayaa khilaaf ku saabsan ajaaniib ku eedeysan basaasnimo.
Saraakiil amni ayaa Caasimada Online u sheegay in dagaalkaas dhaxmaray Al-Shabaab uu sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ah, islamarkaana ay weli taagan tahay xiisadda arrintaasi ka dhalatay.
Ajaaniibta ku eedeysan basaasnimada ayaa la sheegay in ay ka badan yihiin 2 qof ayna u dhasheen laba dal oo kala duwan. Xubnaha qaar ayaa doonaya in la toogto halka qaarkood ay qabaan in aan la dilin sababo badan aawgeed.
Al-Shabaab ayaa hore u dilay dad badan oo isugu jira muwaadiniin iyo ajaaniib kuwaas oo ay ku eedeeyeen basaasnimo. Dadka basaasnimada loo dilay waxaa ku jira caruur iyo dumar.
Dagaalkan ayaa imanaya ayada oo horey sirdoonka Soomaaliya ay u sheegeen inuu jiray khilaaf u dhaxeeyey hoggaanka sare ee kooxda.
10-kii March ayay Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa sheegtay in kooxda Al-Shabaab ay dishay madaxii hore ee amniyaatka kooxda ee Muqdisho Muuse Macallin (Mucaawiye).
Qoraal ay NISA soo dhigtay barta twitter-ka ayey xiligaas ku sheegtay “in Muuse Macallin lagu dilay magaalada Bu’aale ee gobolka Jubada Dhexe” kadib amar la sheegay inuu bixiyey amiirka Al-Shabaab Axmed Diiriye Abu Cubeydah.


source https://www.caasimada.net/xog-al-shabaab-oo-shalay-dhexdooda-ku-dagaalamay-degmada-jilib-iyo-sababta/

Post a Comment

0 Comments