Booliska Soomaaliya oo war ka soo saaray dil ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – War ka soo baxay taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu faah faahiyey dil shalay gelinkii dambe xaafadda Arjantiin ee degmada Kaaraan loogu geystay Abwaan Baashi Macalin Maxamuud, oo sidoo kale ka tirsanaa kooxda Heegan ee ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Qoraalka taliska ayaa tacsi loogu diray ehellada marxuumka iyo ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo uu muddo la shaqeynayey, sida lagu sheegay warbixinta.

Sidoo kale warsaxaafadeedkaan ayaa waxaa lagu sheegay in Abwaan Baashi uu ahaan nin au ku weyneyd dowladnimada iyo u adeegida Ummadda Soomaaliyeed.

“Dhamaan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Dableyda Alifleeyda iyo dhamaan Saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed gaar ahaan Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) Allaha unaxariisto Abwaan Baashi oo ahaa nin ee ku weentahay Dowladnimo iyo u adeegida Shacabka waxuuna aha Sargaal ka tirsan Ciidan Booliiska Soomaaliyed waxa uuna ka baxay Dhamaan umadda Soomaliyeed ayaa lagu yiri” ayaa lagu yiri qoraalka taliska ciidanka Booliska Soomaaliya.

Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilkaasi, balse inta badan Al-Shabaab ayaa dilal qorsheysan ka fulisa gudaha magaalada Muqdisho.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaase amniga caasimada wuxuu ahaa mid yare degan, iyadoona ay yaraadeen weeraradii qaraxyada ee mararka qaar ka dhici jiray.



source https://www.caasimada.net/booliska-soomaaliya-oo-war-ka-soo-saaray-dil-ka-dhacay-muqdisho/

Post a Comment

0 Comments