Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya General Cabdi Xasan Xijaar ayaa 15-kii bishaan sheegay in uu si rasmi ah u dhaqan galay Bandowgii lagu soo rogay Muqdisho isagoo shaaciyay xarumo iyo shaqaalaha qaar ee aan Bandowgu qaban karin.
Taliye Xijaar ayaa sheegay in Bandowga uusan saameyn doonin Farmashiyaasha, Isbitaalada, Dukaamanka lagu iibiyo Cuntada qalalan. Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in Bandowga uusan saameen doonin weriyaasha iyo shaqaalaha caafimaadka balse intaasba waxaa muuqata in Bandowga saameeyay.
Hase yeeshee waxaa muuqata in ciidamada booliska qaarkood aysan xog buuxda ka haysan shuruucda bandowga ayaga oo ku xadgudbay inay ahayd inuusan saameyn bandowga.
Ciidamada booliska Soomaaliya qaarkood ayaa xiray xarumo caafimaad, gaar ahaan farmashiyeyaal ku yaalla xaafadaha degmooyinka qaarkood, sida ay dhowr ka mid ah u sheegeen Caasimada Online
Waxaa sidoo kale qab-qabteen ama ceyrsadeen weriyaal shaqo ku jira iyo dhaqaatiir howl ka soo baxday. Dhamaan dhibaatooyinkaan ayaa ka dhacay degmooyinka qaar ee Muqdisho halka qaar kalane ay cabsi isaga xireen xarumahooda.
Degmooyinka aan ka diiwaan gelinay dhacdooyinka ee lagu xiray xarumo caafimaad ama dhaqaatiir iyo weriyaal lagu dhibaateeyay waxaa kamid ah, Dharkenlay, Cabdicasiis, Boondheere iyo Hodan.
In la buriyo amarka taliyaha booliska iyo ra’iisul wasaaraha ma ahan mid ay kawada siman yihiin ciidamada amaanka balse waa qaar kamid ah lamana oga sida wax looga qaban doono arrimahaan.
Weriyaal badan ayaa ka cabanaya culeysyo badan halka dhaqaatiirta shaqooyinka ka baxa ay sidoo kale wajahayaan dhibaatooyin badan.
Arrimahan ayaa badankood loo badinayaa ayada oo aysan ciidamada qaar si wanaagsan u fahamsaneyn amarrada lasiiyey iyo qaar iska indha-tiraya.
source https://www.caasimada.net/bandowga-saaran-muqdisho-oo-saameeyay-laba-dhinac-oo-horey-loogu-balan-qaaday-inuusan-saameyn-doonin/
0 Comments