Fozhou (Caasimada Online) – Shiinaha ayaa hareeraha Taiwan ka billaabay saddex maalmood oo dhoollatur militari ah Sabtidii, si ay u muujiyaan carada ay ka qaadeen kulanka madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen ay la yeelatay afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka, iyadoo wasaaradda difaaca ee Taiwan ay sheegtay inay si deggan uga jawaabi doonto.
Dhoolatuskan oo lagu dhawaaqay maalin kadib markii Tsai ay kasoo laabatay Mareykanka, ayaa si weyn loo sugayay kadib markii Shiinuhu uu cambaareeyay kulankii uu afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykank Kevin McCarthy kula yeeshay Los Angeles.
Shiinaha ayaa u arka Taiwan oo si dimoqraadi ah loo maamulo, inay tahay dhul ay iyadu leedahay, iyada oo Shiinuhu aanu weligiis ka fogaan inay xoog u adeegsato si ay jasiiraddaas u maamusho.
Dowladda Taiwan ayaa si adag uga soo horjeeda eedeymaha Shiinaha.
Wasaaradda Difaaca ee Taiwan ayaa sheegtay inay la socoto xaaladdan, isla markaana ay si weyn u feejigan tahay, ayna ka jawaabi doonto sida ku habboon, si ay u difaacdo ammaankeeda.
VOA – Reuters
The post China oo dhoolatus militari ka billaabay Taiwan appeared first on Caasimada Online.source https://www.caasimada.net/shiinaha-oo-dhoolatus-militari-ka-billaabay-hareeraha-taiwan/
0 Comments