Xasan Sheekh oo laga saaray hoolka shirka waxbarashada kadib arrin dhacday

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh ayaa si deg-deg ah looga saaray hoolka uu haatan ka socdo shirweynaha waxbarashada dalka, kadib markii uu dab ka kacay qaybo ka mid ah hoolka.

Ilaalada madaxweynaha iyo kooxda qaabilsan baratakoolka ayaa tallaabo deg-deg ah qaaday, markii uu dabkakacay, waxaana madaxweynaha loo saaray banaanka hoolka.

Sababta loo saaray madaxweynaha ayaa la xiriirta badqabkiisa, maadaama xaalad degdeg ah ay soo korortay, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo goobta ku sugan.

Lama oga waxa sababay dabka qabsaday qayb kamid ah hoolka uu ka socday shirka, oo lagu kala cararay.

Sidoo kale arrintaan ayaa cabsi weyn dhalisay, taas oo ku aadan in dabka uu sii faafo, ayada oo ay goobta ku sugnaayeen madax kala duwan oo uu ugu sarreeyo madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo bahda waxbarashada dalka.

Xaaladda goobta ayaa mar qura isbedashay, waxaana haatan billowday dadaallo lagu daminayo dabkaasi.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Villa Soomaaliya oo ku aadan dhacdadaasi, walow haatan xaaladdu ay dagan tahay.

Gubashada ayaa maalmihii u dambeeyay kusoo badaneysay caasimada, waxaana maalin kahor uu dab qabsaday, isbitaalka Martiini, kaas oo geystay khasaare xoogan.

Waxaa sidoo kale horay u gubtay xaafado ka tirsan Muqdisho iyo goobo ganacsi oo ku yaalla Banaadir iyo Suuqa Bakaaraha, kadib markii uu qabsaday dab xoogan.

The post Xasan Sheekh oo laga saaray hoolka shirka waxbarashada kadib arrin dhacday appeared first on Caasimada Online.

source https://www.caasimada.net/xasan-sheekh-oo-laga-saaray-hoolka-shirka-waxbarashada-kadib-arrin-dhacday/

Post a Comment

0 Comments