Wararkii ugu dambeeyay ciidanka Puntland iyo Daacish oo ku dagaalamay BARI

Boosaaso (Caasimada Online) – Faahfaahino kala duwan ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada ammaanka Puntland ku qaadeen goobo ay ku sugnaayeen dagaalamayaasha Daacish oo ku yaalla dhula buuraleyda ah ee gobolka Bari.

Howlgalkan oo ah mid culus ayaa waxaa sameeyay Ururka Onkod oo ka tirsan ciidamada difaaca Puntland, kuwaas oo fadhigoodu yahay degmada Ballidhidin ee gobolkaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in howlgalka kadib uu meesha ka dhacay dagaal toos ah oo u dhexeeyay labada dhinac, isla-markaana khasaare lagu gaarsiiyay kooxda Daacish.

Qoraal ka soo baxay taliska ciidanka difaaca Puntland ayaa waxaa looga hadlay dagaalkaasi, waxaa lagu sheegay warkan in Daacish la gaarsiiyay jab xoogan.

Puntland ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in howlgalkan ay ku gubtay gaadiid dagaal oo ay laheyd kooxda, inta uu dagaalka socday.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in khasaare isugu dhimasho iyo dhaawac loo geystay xubnaha kooxda Daacish ee ku sugnaa goobaha la weeraray.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemaya dhula buuraha ee gobolka Bari.

Ciidanka Puntland ayaa dhowr jeer oo hore sidaan oo kale ula dagaalamay kooxda Al-Shabaab oo fariisimo ku leh halkaasi, kuwaas oo dhaliyay khasaare kala duwan.

Si kastaba, howlgalkan cusub ayaa kusoo aadayo, ayada oo todobaadyadii lasoo dhaafay ay gobolka Bari ku dhex dagaalamayeen Al-Shabaab iyo Daacish oo ku xoogan gobolkaasi.

The post Wararkii ugu dambeeyay ciidanka Puntland iyo Daacish oo ku dagaalamay BARI appeared first on Caasimada Online.

source https://www.caasimada.net/wararkii-ugu-dambeeyay-ciidanka-puntland-iyo-daacish-oo-ku-dagaalamay-bari/

Post a Comment

0 Comments