DEG DEG: Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay Baardheere iyo masuuliyiin ku dhaawacmay

Baardheere (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in magaalada Baardheere ee gobolkaasi uu ka dhacay weerar is-miidaamin ah, kaasi oo lagu qaaday guriga martida ee degmada.

Wararka aan ka helayno ayaa sheegay in guriga Martida ee weerarka lagu qaaday ay ku sugnaayeen masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Gedo iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka.

Dhawaaqa jugta qaraxa is-miidaaminta ah ayaa laga maqlay gudaha magaalada iyo nawaaxigeeda, ayada oo cirka isku shareeray uuro, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in weerarka qaraxa ay ku dhaawacmeen guddoomiyaha gobalka Gedo Axmed Buule Gareed iyo Abaandulaha Qeybta 43-aad Labaale.

Ciidam fara badan ayaa gaaray goobta uu weerarka ka dhacay, waxaana gebi ahaanba la xiray dhamaan waddooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dhawaaqa rasaasta dhaceysa iyo hoobiyaal weli laga maqlayo aaga guriga martida ee weerarka is-miidaaminta ah lagu qaaday.

Wali lama oga baaxadda khasaaraha ka dhashay weerarkan, maadaama wali ay dhacayso xabaddu, isgaarsiintana ay hawada ka maqan tahay.

Wixii kasoo kordha kala soco Caasimada Online

The post DEG DEG: Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay Baardheere iyo masuuliyiin ku dhaawacmay appeared first on Caasimada Online.

source https://www.caasimada.net/deg-deg-qarax-is-miidaamin-ah-oo-ka-dhacay-baardheere-iyo-masuuliyiin-ku-dhaawacamay/

Post a Comment

0 Comments