Al-Shabaab oo weerar ku billowday qaraxyo ku qaaday xero ku taalla Ruun-nirgood

Ruun-nirgood (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar toos ah oo ay saaka Al-Shabaab ku qaaday xero ciidan oo ku taalla degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Weerarka oo ku bilowday qarax ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu ekeeyay xero ay ku sugnaayeen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo ku taalla halkaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidamada huwanta ee ku sugnaa saldhigga la weeraray ay rasaas fureen kadib qaraxyada, waxayna kadib iska hor imaad kooban la galeen ragga weerarka soo qaaday oo mar dambe goobta ka baxsaday.

Xerada la weeraray ayaa waxaa maalin kahor tegay ciidamo ka tirsan kuwa Gorgor oo ka yimid dhanka degmada Ceeldheer, si ay u xoojiyaan ciidanka Macawiisleyda ee ku sugan degmada Ruun-nirgood.

Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkan ayaa shaaca ka qaaday inay gudaha u gashay xerarada, islamarkaana ay dishay askar badan, kuwa kalena ay dhaawacday

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa intaasi ku dartay in ay gubtay laba gaari oo ay lahaayeen ciidamada dowladda.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo madaxda sare ee maamulka HirShabelle oo ku aadan weerarkaasi iyo dagaalka xigay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa agagaarka degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Muddooyinkii u dambeeyay kooxda Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada ay ku beegsaneyso saldhigyada ciidamada dowladda ee ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, kuwaas oo inta badan dhaca hal xilli oo ah aroortii hore ee subax.

Todobaadkian ayey aheyd markii weerar kan lamid ah ee ay Al-Shabaab ku qaaday xero ku taalla duleedka degmada Baardheere, kaas oo dhaliyay khasaare leh dhimasho & dhaawac.

The post Al-Shabaab oo weerar ku billowday qaraxyo ku qaaday xero ku taalla Ruun-nirgood appeared first on Caasimada Online.

source https://www.caasimada.net/al-shabaab-oo-weerar-ku-billowday-qaraxyo-ku-qaaday-xero-ku-taalla-ruun-nirgood/

Post a Comment

0 Comments