Garoowe (Caasimada Online) – Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland (TPEC) ayaa shaaciyay goobaha ay ka sameynayaan diiwaan-gelinta cod-bixiyayaaasha doorashada lagu muransan yahay ee goleyaasha deegaanka Puntland.
Guddiga ayaa soo saaray xogta goobaha diiwaan-gelinta, kuwaasi oo ka kooban 37 degmo oo ku kala yaalla 9 gobol, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland.
Degmooyinka uu guddiga sheegay inay ka sameynayaan diiwaan-gelinta ayaa waxaa 9 kamid ah ku yaalan gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn oo ku muransan yihiin Somaliland iyo Puntland.
Sidoo kale waxaa ku jira liiska uu guddiga soo saaray degmooyin maalmo ka hor laga soo cayriyay guddiga doorashooyinka Puntland.
Hoos ka aqriso gobolada iyo degmooyinka uu shaaciyay guddiga
Gobolka Bari (6 degmo)
1. Boosaaso
2. Carmo
3. Balidhidin
4. Qandala
5. Xaafuun
6. Iskushuban
Gobolka Gardafuu (5 degmo)
1. Caluula
2. Bareeda
3. Baargaal
4. Murcanyo
5. Gumbax
Gobolka Karkaar (6 degmo)
1. Bandarbayla
2. Rako
3. Xumbays
4. Dhudhub
5. Shaxda
6. Waaciye
Gobolka Haylaan (3 degmo)
1. Dhahar
2. Buraan
3. Ceelaayo
Gobolka Mudug (7 degmo)
1. Gaalkacyo
2. Goldogob
3. Buursaalax
4. Xarfo
5. Towfiiq
6. Jariiban
7. Saaxo
Gobolka Sanaag (3 degmo)
1. Badhan
2. Laasqoray
3. Xingalool
Gobolka Nugaal (4 degmo)
1. Garowe
2. Buurtinle
3. Dangoroyo
4. Godobjiraan
Gobolka Cayn (1 degmo)
1. Buuhoodle
Gobolka Sool (2 degmo)
1. Taleex
2. Boocame
The post Wararkii ugu dambeeyay doorashada lagu muransan yahay ee Puntland appeared first on Caasimada Online.
source https://www.caasimada.net/wararkii-ugu-dambeeyay-doorashada-lagu-muransan-yahay-ee-puntland/
0 Comments