Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan la qaatay guddoonnada baarlamaanada heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, oo ayagu dhawaan Muqdisho u yimid furitaanka kalfadhigii 2-aad ee Baarlamaanka 11-aad ee JFS.
Madaxweynaha ayaa guddoonka baarlamaanka heer federaal iyo heer dowlad-goboleed kala hadlay arrimaha hortabinta u leh iyo dagaalka socda ee ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab.
Waxa uu madaxweynuhu ku adkeeyay guddoonka inay xoojiyaan wada-shaqeynta dhexdooda ah, wada-jirna uga shaqeeyaan dowlad-dhiska dalka, si loo gaaro Soomaali Heshiis ah oo Dunidana Heshiis la ah.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu xusay in shacabka Soomaaliyeed ay sugayaan qabyo-tirka dastuurka iyo dhameystirka shuruucda xoojinaysa dowladnimada, isagoo tilmaamay doorka xoogan ee baarlamaanada heer federaal iyo heer dowlad-goboleed ay ku leeyihiin xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab.
Ugu dambeyntiina waxay guddoonka baarlamaanada heer federaal iyo heer dowlad-goboleed uga mahad-celiyeen madaxweynaha kulankaan, iyagoo soo dhaweeyey inay sii joogteeyaan, si loo xoojiyo wadashaqeynta iyo xasilloonida siyaasadeed ee dalka.
Kulankaan ayaa waxaa qeyb ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Salaad Samatar, Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Guddoonnada Baarlamaannada Dowlad-goboleedyada dalka.
The post Muxuu Xasan Sheekh kala hadlay guddoonka baarlamaanada DF iyo dowlad-goboleedyada? appeared first on Caasimada Online.
source https://www.caasimada.net/muxuu-xasan-sheekh-kala-hadlay-guddoonka-baarlamaanada-df-iyo-dowlad-goboleedyada/
0 Comments