(London) 26 Nof 2022. Wargeysyada Ingiriiska ayaa lagu sheegay in ciyaaryahanka khadka dhexe ee Chelsea Mason Mount uu diiday inuu qandaraaska u cusbooneysiiyo kooxdiisa hal usbuuc kahor inta uusan u safrin Doha si uu England uga qeyb galo Koobka Adduunka.
Chelsea ayaa ogolaatay in la hakiyo wada xaajoodka inta uu socdo tartanka, laakiin uma badna in horumar degdeg ah la gaaro kaddib marka laga soo laabto Koobka Adduunka.
Wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa sheegay in sababta arrintan ka dambeysa ay tahay in labada dhinac ay isku mari la’ayihiin heshiiska, maadaama Mount uu diiday in qandaraaskan cusub uu ku qaato 200,000 oo Giniga Isbuucii.
Waxaa la rumeysan yahay in wakiilada Mount ay doonayaan inay helaan qandaraas la mid ah kan Raheem Sterling, kaasoo qaata 300,000 oo ginni todobaadkii, kaddib markii uu Blues kaga soo biiray Manchester City xagaagii hore.
Chelsea ayaa rajaynaysay inay si dhakhso ah heshiis u gaarto markii wadahadalada qandaraaska ay la furteen Mount iyo Reece James bishii Sebtembar, markaas oo Reece James uu qandaraaska u cusbooneysiiyay iyada oo wada xaajoodka Mount uu socday muddo dheer.
Gool FM.
from Gool FM https://ift.tt/J3Ro0cW
via IFTTT
0 Comments