(London) 17 Nof 2022. Wargeyska “La Repubblica” ee dalka Talyaaniga ayaa sheegay in ciyaaryahanka khadka dhexe ee Faransiiska, N’Golo Kante, uu ku sii jeedo u dhaqaaqista horyaalka Talyaaniga xilli ciyaareedka soo socda.
Chelsea ayaa xagaagii 2016 N’Golo Kanté kala soo wareegtay kooxda Leicester City kaddib markii Foxes si layaab leh ugu guuleysatay horyaalka Premier league.
Qandaraaska N’Golo Kante ee kooxda Chelsea ayaa dhici doona xagaaga soo aadan, mana jirto wax niyad ah oo kooxda reer London ay qandaraaska ugu kordhineyso ka dib dhaawacyadii soo noqnoqday ee soo gaaray xiddiga reer France muddooyinkii u dambeeyay.
N’Golo Kante ayaa kaliya kala qeyb galay kooxdiisa Chelsea xilli ciyaareedkan labo kulan oo kaliya, kaddib waxaa soo gaaray dhaawac, taasoo u diiday inuu xulkiisa kala qeyb galo Koobka Adduunka 2022 ee Qatar.
Wargayska ayaa tilmaamay in N’Golo Kante ay hubaal tahay inuu ka tagi doono kooxda Chelsea xagaaga, waxana uu ku fikirayaa in uu u dhaqaaqo horyaalka Italy xilli ay Juventus iyo Inter Milan xiiso weyn u qabaan in ay ku guulaystaan adeegiisa.
Wargayska ayaa tilmaamay in Juventus iyo Inter Milan ay doonayaan saxiixa N’Golo Kante inkasta oo ay jireen dhaawacyo xiriir ah oo xiddiga reer France soo gaaray mudooyinkii ugu dambeeyay.
Gool FM.
from Gool FM https://ift.tt/reBc5E8
via IFTTT
0 Comments