Koox la yaab leh oo u dhaqaaqday inay hesho adeega Ronaldo

(Yurub) 26 Nof 2022. Maanta oo Sabti ah, wargeyska “The Sun” ee dalka England ayaa sheegay in kooxda reer Brazil, Flamengo, oo ah horyaalnimada Koonfurta Ameerika, ay durba bilowday dhaqdhaqaaqeeda si ay u hesho adeega Cristiano Ronaldo, inta lagu jiro xilli ciyaareedkan.

Wararka ayaa waxay tilmaamayaan in Flamengo ay bilawday inay la hadasho maalgaliyayaasha sidii loo maalgelin lahaa heshiis ku meel gaar ah oo uu Ronaldo kaga ciyaarayo horyaalka dalka Brazil.

Wargeyska England ka soo baxa ayaa sheegay in Flamengo ay Ronaldo siin doonto qandaraas 3 bilood ah si uu ciyaaryahanka reer Portugal uga qeyb galo Koobka Kooxaha Adduunka.

Waxay sheegtay in Ronaldo oo haatan dalkiisa uga qayb galaya Koobka Adduunka ee Qatar uu markaas heli doono xorriyad uu ugu dhaqaaqo koox cusub, ama uu ku sii wato Flamengo illaa dhammaadka 2023.

Talaadadii la soo dhaafay, Manchester United ayaa ku dhawaaqday inay joojisay qandaraaska Cristiano Ronaldo, kaddib qalalaasihii ka dhex qarxay labada dhinac toddobaadyadii la soo dhaafay.

Gool FM.



from Gool FM https://ift.tt/0MY7WVm
via IFTTT

Post a Comment

0 Comments