Muqdisho (Caasimada Online) -Ayada oo uu haatan dalka ka socdo kacdoon ka dhan ah Al-Shabaab ayaa waxaa isa soo taraya macluulmaadka & wararka laga helayo dhacdooyin la yaableh oo ka dhacaya deegaannada ay howlgallada ka socdaan ee laga saaray Shabaab.
Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya, General General Cabdullaahi Cali Caanood oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa war cusub kasoo saaray howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Shabeelaha Dhexe.
Caanood ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada Xoogga dalka ee la wareegay gacan ku heynta deegaanka Ceel-hareeri oo u dhow degmada Aadan Yabaal ay la kulmeen arrin la yaableh, kadib markii ay gudaha u galeen difaacyadii ay ku sugnaayeen xoogaga Shabaab.
Afhayeenka ayaa xusay in ciidamadu ay heleen meydadka dhalinyarado koox koox la’isugu xiray, kadibna la toogtay, halka qaarkoodna bam lagu qaraxiyey, sida uu hadalka u dhigay.
“Ciidamada Xoogga dalka waxa ay heleen arrin la yaableh oo aan horey noo soo marin dhalinyarada maleeshiyada Al-Shabaab oo toban toban katiinada ugu xiran tahay xabadduna ku wada taallo qaarna bam ayey ku dhinteen, qaarna ciidanka ayaa toogtay ,” ayuu yiri General Cabdullaahi Cali Caanood oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in arrintaas ay caddeyneyso in kooxda Al-Shabaab ay soo qasbeen dhalinyaradaas, islamarkaana raaf ahaan dagaalka lagu soo geliyey.
“Taasi maxay daliil u tahay dadka inay soo raafeen oo ay soo qasbeen oo laga cararayo oo qof walba rabo inuu ka cararo, maadaama ay qasbayaan,” ayuu sii raaciyey afhayeenka.
Waxa kale oo uu intaasi ku sii daray “Arrintaas waxa ay ka dhacday Ceel Hareeri waxayna arrintaan noo sheegeysaa boqolka qof ee dhintay in aysan wada aheyn Al-Shabaab,”
Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo dowladda Soomaaliya ay shaacisay in dagaalkii ka dhacay Ceel-hareeri lagu dilay illaa 200 oo ka tirsanaa maleeshiyada kooxda Al-Shabaab.
The post Daawo: Al-Shabaab oo arrin la yaableh sameysay, kadib dagaalkii Ceel-hareeri appeared first on Caasimada Online.
source https://www.caasimada.net/daawo-al-shabaab-oo-arrin-la-yaableh-sameysay-kadib-dagaalkii-ceel-hareeri/
0 Comments