(Arsenal) 13 Nof 2022. Tababaraha kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay kaddib guushii ay kooxdiisa Gunners ay ka gaartay naadiga Wolves.
Wiilasha Mikel Arteta ayaa saddexda dhibcood ka soo helay dhigooda Wolverhampton Wanderers, kaddib markii ay kaga soo adkaadeen 0-2, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada horyaalka Premier League, taasoo ka dhigtay in Gunners ay hoggaanka ku qabato 5 dhibcood oo nadiif ah.
Sida laga soo xigtay BBC Sport, ciyaarta kaddib Arteta ayaa u mahad celiyay taageerayaasha Arsenal wuxuuna amaanay biseylka ciyaartoydiisa:
“Waad ku mahadsan yihiin taageereyaasha garab istaagooda, sida ay gacan uga geysteen isbeddelka kooxdan, iyo awooda uu qof walba dareemayo, waa inay ku raaxaystaan inay hoggaanka u hayaan miiska kala sarreynta.”
“Waxaan soo bandhignay biseyl ka duwan markii aan ciyaarnay kulankaan, 20-30-kii daqiiqo ee ugu horeysay waxaan ku dhibtoonay inaan ka gudubno iyaga, aad ayaan uga fiicneyn qeybtii labaad.”
“Ruuxa kooxda waa wax cajiib ah, la’aanteed xirfadahan shaqsiga ah ma joogi lahayn halka aan joogno, maalinba maalinta ka dambeysa way sii hormarayaan.”
“Ciyaartoyda ka qeyb galeysa Koobka Adduunka, waxaan u rajeynayaa inay ku dadaalaan Koobka Adduunka oo ay naftooda daryeelaan.”
“Waxaan rajeynayaa inay naftooda ku raaxaystaan, sababtoo ah ma jiraan wax ka fiican inaad u ciyaarto waddankaaga.”
Arsenal ayaa hogaanka horyaalka England ku haysa 37 dhibcood, waxayna shan dhibcood ka sarreysaa kooxda kaalinta labaad fadhisa ee Manchester City.
Gool FM.
from Gool FM https://ift.tt/GFaLeAl
via IFTTT
0 Comments