Weeraryahanka Man United ee Antony oo rikoor cusub dhigay kulankii ay xalay guusha ka gaareen Everton

(Liverpool) 10 Okt 2022. Weeraryahanka Kooxda Manchester United ee Antony ayaa rikoor cusub dhigay kulankii xalay ay guusha soo laabashada ah ka gaareen Everton oo ay booqdeen kulan qeyb ka ahaa horyaalka Premier League.

Xiddiga reer Brazil ayaa Red Devils uga soo dhaqaaqay kooxda Ajax suuqii xagaaga, waxaana uu haatan gool dhaliyey saddexdiisii kulan ee ugu horreeyey horyaalka Premier League.

Everton ayaa gool la horreysay waxaana u dhaliyey Iwobi, balse xiddiga reer Brazil ee Antony ayaa u barbareeyey Man Utd ka hor inta uusan CR7 dhalin goolkiisii 700-aad ee heerkiisa kooxeed oo ay naadiga Tababare Ten Hag ay guusha ku qaateen xalay.

Waxa uu noqday Antony xiddigii ugu horreeyey Man United ee gool dhaliya saddexdiisa kulan ee ugu horreeya horyaalka Premier League.

Antony ayaa goolkiisii ugu horreeyey horyaalka Premier League ka dhaliyey Arsenal, halka goolkii labaadna uu ka dhaliyey Manchester City, inkastoo kulanka dambe ay kooxdiisu guuldarro la kulantay, waxaana xalay uu markale shabaqa ka soo taabtay Everton.

Mana jiro taariikhda Man United xiddig gool u dhaliyay saddexdiisa kulan ee ugu horreeya horyaalka Premier League oo aan ahayn Antony.

Xiddiga reer Brazil ee Antony ayaa goolkii uu xalay ka dhaliyey Everton waxa uu ku noqday laacibkii ugu horreeyey Manchester United ee gool dhaliya saddexdiisa kulan ee ugu horreeya horyaalka English Premier League.

Gool FM.



from Gool FM https://ift.tt/YAZmS1H
via IFTTT

Post a Comment

0 Comments