Sawiro: ciidamo ku biirayo dagaalka Al-Shabaab oo lasoo bandhigay

Ceelberde (Caasimada Online) – Waxaa sii xoogeysanayo kacdoonka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, waxaana markaan dagaalka kusoo biiray dadka deegaanka Ceelberde ee gobolka Bakool.

Ciidamada deegaanka degmada Ceelberde ee gobolka Bakool ayaa u diyaar garoobay ka qeyb qaadashada howgalka degaannada hoostaga degmadaas looga saarayo Al-Shabaab

Ciidamada deegaanka ee la baxay (caano ka dhan) waxay isugu jiraan dhalinyaro Odayaal iyo haween oo u diyaar ah ladagaalanka Al-Shabaab, waxayna wacad ku mareen in ay deegaankooda ka xoreyn doonaan Al-Shabaab.

Mas’uuliyiin katirsan Maamulka degmada Ceelbarde & Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka oo fagaaro kula hadlay Ciidamada degaanka ayaa uga mahadceliyay sida ay u go’aansadeen inay la dagaalamaan Al-Shabaab.

Waxaa ay ballan qaadeen inay garab istaag u muujin doonaan Ciidamada degaanka si ay Al-Shabaab guud ahaan uga saaraan degaannada hoostaga degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool.

Kacdoonka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayaa ka curtay deegaano badan oo ka tirsan Soomaaliya, waxayna kooxdaan wajaheysaa culeyskii ugu weynaa oo sababi karo in laga taqalusi.

The post Sawiro: ciidamo ku biirayo dagaalka Al-Shabaab oo lasoo bandhigay appeared first on Caasimada Online.



source https://www.caasimada.net/sawiro-ciidamo-ku-biirayo-dagaalka-al-shabaab-oo-lasoo-bandhigay/

Post a Comment

0 Comments