(Seville) 22 Okt 2022. Kooxda Real Madrid ayaa isku dayi doonta caawa inay afar guul oo xiriir ah gaarto horyaalka La Liga marka ay garoonkooda Bernabeu ku soo dhoweynayaan Sevilla.
Carlo Ancelotti ayaa haatan saddex dhibcood ka sarreysa kooxda kaalinta labaad kaga jirta kala sarreynta horyaalka La Liga ee Barcelona, waxaana ay doonayaan inay farqiga dhibcaha ku soo celiyaan lix dhibcood oo ay hoggaanka horyaalka sii dheereystaan.
Kooxda Sevilla ayaa caawa u safreysa Real Madrid iyadoo fadhisa kaalinta 12-aad ee ka sarreynta horyaalka La Liga kaddib markii ay 10 dhibcood ka heshay 10 kulan oo ay ciyaartay horyaalka illaa iyo haatan xilli ciyaareedkan.
Ogeysiiska Ciyaarta:-
Tartanka: Spain – La Liga
Kooxaha: Real Madrid vs Sevilla
Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 10:00 Habeenimo xilliga Geeska Afrika.
Garoonka: Estadio Santiago Bernabeu
Garsooraha: Alejandro Hernandez (Spain)
Wararka Kooxaha:-
Dani Ceballos ayaa weli la maqan dhaawac bowdada ah, waxaana laga yaabaa inuu maqnaanshaha kula biiro Mariano Diaz.
Goolhaye Thibaut Courtois ayaa laga yaabaa inuu ku soo laabto safka kooxda Real Madrid kaddib dhaawac uu la maqnaa.
Ma jiraan xiddigo ganaax uga maqan kulankan kooxda Real Madrid.
Jesus Corona ayaa wali garoommada ka sii maqnaan doona kaddib dhaawacii halista ahaa ee ka soo gaaray canqowga bishii Agoosto.
Karim Rekik iyoTanguy Nianzou ayaa labaduba dhaawacyo bowdada ah kaga maqan Sevilla, halka Fernando uu kulankan ku maqnaan doono xanuun.
Marcus Acuna ayaa shaki yar laga gelinayaa kulankan sababo la xiriira dhaawac.
Kike Salas ayaa ganaax ku seegaya kulankan Sevilla ay booqanayso Real Madrid kaddib casaan toos ah oo uu qaatay kulankii Valencia.
Xaqiiqooyinka ciyaarta:-
>- Real Madrid ayaa guuleysatay 15 ka mid ah 17-keedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay wajahday Kooxda Sevilla tartammada oo dhan.
>- Kooxda Real Madrid ayaa dhalisay ugu yaraan labo gool 15-keedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay garoonkeeda ku soo dhoweysay Sevilla dhammaan tartammada kala duwan.
>- Real Madrid ayaa guuleysatay sagaal ka mid ah tobankeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay horyaalka La Liga.
>- Los Blancos ayaa dhaliyey ugu yaraan labo gool siddeed ka mid ah tobankeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay horyaalka La Liga.
Shaxda macquulka ah ee ay ku soo gali karaan labada koox:-
Real Madrid: Courtois; Carvajal, Militao, Alaba, Mendy; Modric, Tchouameni, Kroos; Valverde, Benzema, Vinicius.
Sevilla: Bono; Navas, Montiel, Marcao, Telles; Gomez, Gudelj, Isco, Delaney, O Torres; Lamela.
Gool FM.
from Gool FM https://ift.tt/KE4lBVg
via IFTTT
0 Comments