(Nottingham) 22 Okt 2022. Liverpool ayaa doonaysa in ay sii wadato guulaheeda horyaalka Premier League kaddib markii ay si xiriir ah u soo wada garaaceen Manchester City iyo West Ham United.
Reds oo inta badan garaacda kooxda markaas ku cusub horyaalka Premier League ayaa booqanaysa naadiga kal ciyaareedkan u soo dallacay horyaalka Ingiriiska ee Nottingham Forest.
Nottingham Forest oo barbaro goolal la’aan la soo gashay Brighton & Hove Albion Talaadadii kulan qeyb ka ah horyaalka Premier League ayaa caawa soo dhoweynaysa naadiga uu hoggaamiyo Macallin Jurgen Klopp oo 1-0 ku soo dilay West Ham United kulankoodii ugu dambeeyey.
Ogeysiiska Ciyaarta:-
Tartanka: England – Premier League
Kooxaha: Nottingham Forest vs Liverpool
Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 02:30 Duhurnimo xilliga Geeska Afrika.
Garoonka: City Ground, Nottingham
Garsooraha: Paul Tierney (England)
Wararka Kooxaha:-
Daafaca Kooxda Nottingham Forest ee Harry Toffolo ayaa kulankan ku seegi doona dhaawac muruqa ah oo soo gaaray intii lagu guda jiray kulankii ay Talaadadii barbaraha la galeen Brighton.
Renan Lodi ayaa laga yaabaa inuu seego kulankiisii afaraad oo toos ah sababtoo ah murgacasho canqowga ah, halka Lewis O’Brien oo xanuunsan uu isna shaki ku jiro inuu ciyaari karo kulankan.
Liverpool ayaa qiimeyn doonta taam ahaanshaha weeraryahankeeda Darwin Nunez, kaasoo xanuun sheeganayay kaddib kulankii bartamaihii todobaadka ay guusha ka gaareen West Ham United.
Naby Keita iyo Ibrahima Konate ayaa ku soo laaban doona tababarka buuxa ee Liverpool maalinta Isniinta ah ee todobaadkan.
Xaqiiqooyinka ciyaarta:-
>- Liverpool ayaa badisay kala bar 100-kii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka oo ay la ciyaareen kooxdan, laakiin Forest ayaan laga badinin 12 kulan oo ay ku ciyaartay garoonkeeda tan iyo markii 2-0 looga badiyay 28 October sanadkii 1984-kii.
>- Kooxda Liverpool ayaa garoonkeeda City Ground 1-0 uga badisay kooxda Nottingham Forest kulan ka tirsan wareegga siddeed dhammaadka FA Cup-ka xilli ciyaareedkii hore, waxaana goolkaas Reds u dhaliyay Diogo Jota.
>- Naadiga Forest ayaan wax guul ah gaarin sagaal kulan oo horyaalka Premier League ah, waana waqtiga ugu dheer ee hadda la ciyaaro horyaalka, iyadoo sagaalkaas kulan la timid 6 Guuldarro & 3 Barbaro.
>- Forest waa kooxda kaliya ee horyaalka Premier League xilli ciyareedkan oo aan weli gool ka dhalin bannaanka xerada ganaaxa.
>- Liverpool ayaa ku guuldarreysatay inay guuleysato mid kasta oo mid ah afarteedii kulan ee horyaalka Premier League oo ay ku ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda xilli ciyaareedkan, waxayna soo qaateen labo barbaro iyo labo guuldarro.
>- Naadiga Reds ayaan wax guuldarro ah la kulmin 16 kulan oo Premier league ah oo ay meel ka baxsan garoonkeeda kula ciyaartay kooxaha markaas u soo dallacay horyaalka tan iyo guuldarradii 2-0 ahayd ee ka soo gaartay Hull City bishii Febraayo sanadkii 2017, waxaana kooxda ku cusub horyaalka ay ka haystaan 11 Guul iyo 5 babaro 16 kulan oo ay la ciyaareen.
>- Mohamed Salah ayaa gool dhaliyay mid kasta oo ka mid ah lixdii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka oo uu ku soo bilowday safka hore iyadoo lagu ciyaarayo meel ka baxsan garoonka kooxdiisa, isla markaana ay ka horjeedaan kooxaha soo dallacay.
>- Jordan Henderson ayaa caawa rajaynaya inuu noqdo Kabtanka Reds markiisii 250-aad ee tartammada oo dhan.
Shaxda macquulka ah ee ay ku soo gali karaan labada koox:-
Nottingham Forest: Henderson; Williams, Cook, McKenna, Lodi; Mangala, Yates, Freuler; Gibbs-White, Dennis, Johnson.
Liverpool: Alisson; Alexander-Arnold, Gomez, Van Dijk, Robertson; Salah, Fabinho, Thiago, Carvalho; Nunez, Firmino.
Gool FM.
from Gool FM https://ift.tt/1pvwHok
via IFTTT
0 Comments