Halyeey Barcelona ah oo ammaanay saameynta Lewandowski wuxuuna la barbardhigay Benzema

(Barcelona) 16 Okt 2022. Halyeyga Barcelona Albert Ferrer ayaa ka hadlay farqiga u dhexeeya faa’iidooyinka gooldhaliyaha ugu sarreeya kooxda ee Robert Lewandowski iyo kabtanka Real Madrid ee Karim Benzema.

Hadalka Albert Ferrer ayaa imaanaya kahor kulanka El Clasico ee galabta oo Axad ah labada kooxood ku dhexmari doona garoonka Santiago Bernabeu ee caasimadda Spain ee Madrid.

Shabakada BBC Sport ayaa shaacisay haddalada Albert Ferrer kaddib wareysi uu bixiyay:

“Robert Lewandowski aad ayuu saameyn ugu leeyahay xilli ciyaareedkan Barcelona.”

“Lewandowski waxa uu kooxda u qabtaa wax aysan haysanin marka laga reebo gool dhalinta iyo in uu inta badan ku jiro diilinta ganaaxa, ayaa aad muhiim ugu ah dhaq dhaqaaqiisa iyo sida uu ula hadlo ciyaartoyda. Iyo sidii uu ugu sheegi lahaa meesha bannaan ee ay tahay inay shaqo ka qabtaan.”

“Wuxuu caawiyaa ciyaartoyda 90-ka daqiiqo, wuxuu u dhaqaaqaa inuu abuuro boosas, wuxuu u sheegaa ciyaartoyda halka ay tahay inay ku sugnaadaan, waxa ay tahay inay sameeyaan, saameyntiisa waa mid weyn ee kaliya ma ahan inuu goolal dhaliyo.”

“Aubameyang waa ciyaaryahan weyn marka loo eego dhameystirka weerarka, laakiin Lewandowski wuxuu sameeyaa wax ka badan intaas, wuxuu awoodaa inuu u dhaadhaco khadka dhexe, wuxuu sameeyaa boos banana, wuxuu isku xiraa ciyaartoyda, wuxuuna ku ilaaliyaa kubadda jirkiisa.”

Marka la barbardhigo xiddigaha Benzema iyo Lewandowski, Ferrer ayaa yiri:

“Lewandowski waxa uu leeyahay waxyaabo badan oo wanaagsan, gaar ahaan marka la eego taabashada dhameystirka, laakiin sidoo kale marka la eego dhaqdhaqaaqyada kale ee uu sameeyo kubadda la’aanta.”

“Benzema waxa uu awoodaa in uu goolal dhaliyo, aad ayuu u farsamaysan yahay marka ay kubadda lugahiisa ku jirto, isaga qudhiisa ayaa abuuri kara ciyaarta.”

“Tani waa farqiga ugu weyn, marka uu kubadda haysto, Benzema wuxuu sameyn karaa waxyaabo badan oo macquul ah in ka badan Lewandowski, Kubad la’aanta, Lewandowski ayaa macquul ah inuu fiican yahay.”

Gool FM.



from Gool FM https://ift.tt/8jMzl1e
via IFTTT

Post a Comment

0 Comments