“Federico Valverde waa mid ka mid ah saddexda xiddig ee ugu fiican adduunka” – Toni Kroos

(Madrid) 17 Okt 2022. Laacibka khadka dhexe ee kooxda Real Madrid iyo xulka qaranka Germany ee Toni Kroos ayaa aad u ammaanay awooda xiddiga reer Uruguay ee Federico Valverde kaddib goolkii cajiibka ahaa ee uu ka dhaliyay kooxda Barcelona.

Real Madrid oo hoggaanka u qabatay horyaalka La Liga kaddib markii ay kaga adkaatay Barcelona 3-1, kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Federico Valverde ayaa shuud cajiib ah ka dhaliyay André ter Stegen isaga oo ka qayb qaatay guushii ay Real Madrid ka gaartay kulankii El Clasico ee ay Barca la ciyaartay.

24 jirkan ayaa xilli ciyaareedkan ku soo bandhigaya heerar aad u wanagsan Real Madrid, kaddib markii uu door cusub ka qaatay booska garabka midig, marka laga soo tago doorkiisa muhiimka ah ee khadka dhexe, isagoo dhaliyay shan gool ilaa haatan, labo kalena caawiyay 14 kulan.

Toni Kroos ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay farriin uu ku ammaanayo xiddiga reer Uruguay ee Federico Valverde, wuxuuna yiri:

“Federico Valverde waxa uu ka mid yahay saddexda xiddig ee ugu fiican adduunka.”

Waxaa xusid mudan in Real Madrid ay Federico Valverde kagala soo wareegtay xagaagii 2016 kooxda reer Uruguay ee Penarol adduun lacag dhan 5 milyan oo Yuuro.

Gool FM.



from Gool FM https://ift.tt/f3FigwH
via IFTTT

Post a Comment

0 Comments