Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya lagu soo gabagabeeyey shir u dhexeeyey dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada, kaas oo diiradda lagu saaray tayeenta hay’adaha waxbarashada eev dalka.
Shirkan oo socday intii u dhexeysay 16 illaa 18 bishaan ayaa lagu soo xiray Muqdisho, waxaana guddoomiyey Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Faarax Sheekh C/qaadir, iyada oo ay goobjoog ahaayeen wasiirada Waxbarashada ee shanta maamul goboleed ee dalka.
Xubnaha shirka ka qayb-galay ayaa soo saaray warmurtiyeed ka kooban illaa lix qodob oo ku aadan waxyaabaha ay ka wada-hadleen.
Sidoo kale waxay ku ballameen in la qabto shirweyne guud oo u dhexeeyo labada dhinac, kaas oo looga hadlayo dib u jiheynta waxbarashada dalka.
Qodobada lasoo saaray ayaa waxaa ugu muhiimsan:-In la joogteeyo kulamada u dhexeeyo wasaaradaha waxbarashada heer federaal iyo heer dowlad goboleed ee dalka.
-In la qabto Shirweynaha dib u jiheynta waxbarashada dalka.
-In dib u eegis lagu sameeyo sharciga waxbarashada dalka iyo siyaasada waxbarashada qaranka.

The post DF iyo dowlad goboleedyada oo ku heshiiyey 6 qodob appeared first on Caasimada Online.
source https://www.caasimada.com/wasiirada-waxbarashada-df-iyo-dowlad-goboleedyada-oo-ku-heshiiyey-6-qodob/
0 Comments