DEG DEG: Mason Greenwood oo markale dammaanad lagu sii daayey maanta… (Goorma ayuu dib ugu soo laaban doonaa Maxkamadda?)

(Manchester) 19 Okt 2022. Weeraryahanka Manchester United ee Mason Greenwood ayaa mar kale loo ogolaaday inuu dammaanad bannaanka ku joogo kaddib markii ay maxkamad dhageysatay dacwadiisa maanta iyadoo loo heysto kufsi, hanjabaad dil iyo xadgudub galmo.

21-sano jirkaan ka tirsan xulka qaranka England ayaa dammaanad xabsiga looga sii dayn doonaa inkastoo uusan xaadir ahayn oo uusan joogin dhageysta codsiga damiinashada maanta.

Maxkamadda Magistrates ee Magaalada Manchester ayaa horay u dhageysatay dacawaddii lagu soo oogay laacibkan oo ahayd isku dayga kufsiga ah ee la xiriira dhacdo la sheegay inay dhacday 22-ka bishii October sanadkii 2021.

Waxyaabaha kale oo lagu haysto Greenwood waxaa ka mid ah hadgudub galmo iyo dhaqan xumo uu kula kacay qof dumar ah intii u dhexeysay 1 November 2018 illaa 15-kii October 2022, iyadoo markaas kaddib baaritaan lagu bilaabay akoonnada uu ka isticmaalo baraha xiriirka bulshada ee dhinaca Internet-ka.

Sidoo kale ciyaaryahankan waxaa dacwada loo haysto ka mid ah inuu geystay hadallo hanjabaad iyo sharaf dhac ku ah qof dumar ah iyo weliba weerar dhaawac jireed ah oo uu gabadhaas kula kacay kuwaasoo la sheegay inay dhaceen 1-da bishii December 2021 ilaa isla 31-ka bishaas December 2021.

Kaddib markii maanta oo Arbaco ah ay si gaar ah Maxkamadda Minshull Street Crown Court u dhagaysatay dacwaddiisa maanta ee dammaanadda, Garsoore John Potter ayaa amaray in dammaanad lagu sii daayo Greenwood iyo inuu dego guri ku yaalla waddada Bow Green Road.

Kiista ayaa dib loogu dhigay 21-ka bisha November si Maxkamadda Minshull Street Crown Court ay u dhagaysato horudhaca dacwada.

Greenwood ayaa hadda dammaanad lagu sii daayey sida ay Maxkamaddu amartay ilaa laga gaaro dhageysiga xiga ee dacwadda.

Gool FM.



from Gool FM https://ift.tt/xDsR0YP
via IFTTT

Post a Comment

0 Comments