Benzema & Valverde oo la xaqiijiyey inay seegi doonaan kulanka Real Madrid habeen dambe ee Champions League

(Madrid) 24 Okt 2022. Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa ku dhawaaqday diiwaanka 25-ka xiddig ee ay kala qeyb geli doonto kulanka Champions League ee habeen dambe ay la leeyihiin RB Leipzig.

Waxaa la xaqiijiyey in sababo la xiriir dhaawac ay kulankan kaga maqnaan doonaan Los Blancos labadeeda xiddig ee muhiimka ah Karim Benzema & Fede Valverde.

Macallin Carlo Ancelotti ayaa go’aansaday inuusan halis galin labadiisa laacib, waxaana uu ka saaray liiska xiddigaha uu habeen dambe kala hortagi doono naadiga RB Leipzig.

Haddaba halkaan hoose ka eeg liiska xiddigaha Real Madrid ee uu ku dhawaaqay Macallin Ancelotti:-

Goolhayeyaasha: Courtois, Lunin, Luis Lopez.

Daafacyada: Carvajal, Militao, Alaba, Vallejo, Nacho, Odriozola, Vazquez, Rudiger, Mendy.

Khadka Dhexe: Kroos, Modric, Camavinga, Tchouameni, Dotor, Arribas.

Weerarka: Hazard, Asensio, Vinicius, Rodrygo, Alvaro.

Gool FM.



from Gool FM https://ift.tt/L40EsUf
via IFTTT

Post a Comment

0 Comments