Ancelotti oo shaaca ka qaaday sababtii ay Real Madrid barbaraha ula gashay kooxda Osasuna

(Madrid) 03 Okt 2022. Tababaraha Real Madrid Carlo Ancelotti ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay ka dib markii kooxdiisa ay barbardhaca la gashay kooxda Osasuna, ciyaar ka tirsaneyd horyaalka Spain.

Osasuna ayaa taako u dhigtay Real Madrid oo ay ku booqatay garoonka Santiago Bernabéu, kaddib markii ay ku kala baxeen barbardhac 1-1 ah, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada horyaalka La Liga.

Wargeyska Marca ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Carlo Ancelotti, kaddib ciyaarta wuxuuna yiri:

“Ma jiraan wax cudur daar ah, kooxda aad ayay u fiican tahay, ciyaarta uma dhicin sidii aan rabnay, laakiin waxaan guul ku gaari karnay rigoorada.”

“Kooxda ilaa hadda wax fiican ayay qabteen, waxaana jira waxyaabo ka dhaca horyaalka, waxaana jira waxyaabo ay tahay in aan horumarino, waxaan ka nimid taxane aad u fiican, haatan waxaan raadin doonaa taxane kale.”

“Marka kooxda ay guul keeni waydo, nama farxad galineyso, barbaraha ayaa naga dhigay inaan murugoono, Laakiin dhawaan ayaan ka jawaabi doonaa.” Isaga oo hadalka sii wata wuxuu raaciyay: “Waan u qalanay inaan badino.”

Gool FM.



from Gool FM https://ift.tt/5bgi3FE
via IFTTT

Post a Comment

0 Comments