Xog: Jamaal Maxamed Xasan oo xil sare looga magacaabay IGAD – Sidee ku timid?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee qorshaynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa xil sare looga magacaabay urur goboleedka IGAD, sida ay xog ku heshay Caasimada Online. 

Jamaal ayaa loo magacaabay wakiilka Soomaaliya ee IGAD, waxaana soo baxaya warar kala duwan oo ku saabsan qaabka ay ku timid magacaabistiisa, oo lama filaan noqotay 

Wararka qaar ayaa sheegaya inuu magacaabay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, islamarkaana madaxweyne Xasan Sheekh uusan waxba ka ogeyn. Xaaska Jamaal oo lagu magacaabo Hodan ayaa ah la-taliyaha ra’iisul wasaaraha ee siyaasadda arrimaha dibedda. 

Si kastaba, xubno ku dhow Jamaal ayaa Caasimada Online u sheegay in Jamaal uu xilkan raadsaday kadibna uu soo magacaabay ururka IGAD, oo uu hadda Xoghayaha fulinta ka yahay Workneh Gebeyehu, oo kasoo jeeda dalka Itoobiya, ahna shaqsi aad ugu dhow ra’iisul wasaare Abiy Ahmed. 

Markii xilka loo ogolaaday Jamaal ayaa, sida aan xogta ku helnay lala wadaagay madaxweyne Xasan Sheekh, kamana muujin wax diidmo ah, sidaas ayeyna ku dhaqan gashay magacaabistiisa.

Ayada oo la ogyahay sida ay isugu dhow yihiin Farmaajo iyo Abiy, waxaa suurta-gal ah in madaxweynihii hore uu kaalin ku lahaa magacaabista Jamaal.

Jamaal ayaa ka mid ah ragga aadka ugu dhow madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, wuxuuna ahaa wasiirka kaliya ee aan la beddelin shantii sano ee uu Farmaajo dalka xukumayey.

Jamaal ayaa muddadaas lagu eedeeyeynayey inuu wasaaradda qorsheynta ka dhigay mid u shaqeysa qabiilo gaar ah, isaga oo si gaar ah ula dagaalamay beelaha Hawiye, kana ilaaliyey deegaanadooda mashruucyada lasoo marinayey wasaaradda ama wasaaradaha kale ee isku haleynayey warbixinada wasaaradda qorsheynta. 

Marka la eego sida uu ugu dhow yahay Farmaajo iyo eedeymaha loo jeedinayey shantii sano ee lasoo dhaafay, cidna ma fileyn inuu mar kale xil sidaas u sarreeya ka qaban doono dowladda federaalka.

The post Xog: Jamaal Maxamed Xasan oo xil sare looga magacaabay IGAD – Sidee ku timid? appeared first on Caasimada Online.



source https://www.caasimada.net/xog-jamaal-maxamed-xasan-oo-xil-sare-looga-magacaabay-igad-sidee-ku-timid/

Post a Comment

0 Comments