(Munich) 13 Sebt 2022. Sadio Mane ayaa kula kaftamay una sheegay Thomas Muller inuusan si qaldan kubadda ugu baasin Robert Lewandowski, marka ay labadooda ku kulmaan caawa tartanka UEFA Champions League.
Kooxda Muller ee Bayern Munich ayaa soo dhoweynaysa caawa naadiga uu horkacayo Lewandowski ee Barcelona kaddib markii weeraryahanka reer Poland ka tagay Jarmalka isla markaana heshiis 45 milyan oo euro ah ugu wareegay xagaagan naadiga reer Catalonia.
Bayern Munich ayaa garoonkeeda Allianz Arena caawa ku qaabilaysa Barcelona iyo weeraryahankeedii hore ee Lewandowski, waxaana uu ku soo laabanayaan Jarmalka kaliya 8 todobaad kaddib markii uu ka tagay.
Muller iyo Lewandowski ayaa xiriir dheer wada lahaa muddadii sagaalka sano ka badnayd ee ay iska garab ciyaarayeen, waxaana ay ka ciyaarta horyaalka Bundesliga kula guuleysteen siddeed koob oo maxalli ah iyo Champions League.
Weeraryahanka reer Poland ayaa dib ugu soo laabanaya Bavaria isagoo haysta cinwaannada todobaadkan, kaddib wacdarihii uu ka dhigay Barca muddo kooban.
34-sano jirkaan ayaa shabaqa soo taabtay oo u dhaliyey Bayern Munich 344 gool 375 kulan oo uu u saftay, waana xiddiga labaad ee ugu goolasha badan taariikhda naadigha reer Jarmal isagoo ka dambeeya Gerd Muller.
Lewandowski ayaa qaab wacan kula billowday kooxdiisa cusub ee Barcelona, isagoo u dhaliyey sagaal gool lixdiisii kulan ee ugu horreeyey oo uu u ciyaaray.
Muller oo maanta 33 sano jirsaday ayaa shaaca ka qaaday in Sadio Mane uu kula kaftamay inuusan kubadda si qaldan ugu basin xiddigii hore ee ay isku kooxda ahaayeen ee Lewy, maadaama uu qabatimay ka garab ciyaaristiisa, marka ay labada kooxood caawa ku wada ciyaarayaan Magaalad Munich ee dalka Jarmalka.
“10-kii maalmood ee la soo dhaafay waxa uu Sadio Mane igula kaftamayay inaan kubadda si qalad ah aanan ugu baasin ama ugu dhiibin Robert Lewandowski kulanka Bayer Munich iyo Barcelona.” ayuu yiri Muller.

Gool FM.
from Gool FM https://ift.tt/67WnQBJ
via IFTTT
0 Comments