(London) 15 Sebt 2022. Macallin Gareth Southgate ayaa shaaciyey xiddigaha xulkiisa England uga qeyb-gala kulammada ay la kala ciyaari doonaan Talyaaniga iyo Jarmalka.
Xiddigaha magacyadooda la shaaciyey ee xulka saddexda Libaax uga qeyb-galaya kulammada bishaan ee UEFA Nations League oo ay wajahayaan Italy iyo Germany waxaa hoggaaminaya Kane iyo Maguire, iyadoo ay ka maqan yihiin Rashford iyo Sancho.
Xulka qaranka Saddexda Libaax ayaa labadooda kulan ee ugu dambeeya ka hor inta aysan aadin bisha November Koobka Adduunka ee Qatar, waxa ay ka bilaabayaan safarka ay ku aadayaan Magaalada Milan Jimco 23-ka bishan September ka hor inta aysan garoonkooda Wembley ku soo dhoweynin Germany 26-ka bishan September.
Haddaba halkaan hoose ka eeg 28-ka ciyaaryahan ee xulka qaranka saddexda Libaax u metelaya xulalka Italy iyo Germany:-
Goolhayeyaasha: Dean Henderson (Nottingham Forest, loan from Manchester United), Nick Pope (Newcastle United), Aaron Ramsdale (Arsenal).
Daafacyada: Trent Alexander-Arnold (Liverpool), Ben Chilwell (Chelsea), Conor Coady (Everton, loan from Wolverhampton Wanderers), Eric Dier (Tottenham Hotspur), Marc Guéhi (Crystal Palace), Reece James (Chelsea), Harry Maguire (Manchester United), Luke Shaw (Manchester United), John Stones (Manchester City), Fikayo Tomori (AC Milan), Kieran Trippier (Newcastle United), Kyle Walker (Manchester City).
Khadka Dhexe: Jude Bellingham (Borussia Dortmund), Mason Mount (Chelsea), Kalvin Phillips (Manchester City), Declan Rice (West Ham United), James Ward-Prowse (Southampton).
Weerarka: Tammy Abraham (AS Roma), Jarrod Bowen (West Ham United), Phil Foden (Manchester City), Jack Grealish (Manchester City), Harry Kane (Tottenham Hotspur), Bukayo Saka (Arsenal), Raheem Sterling (Chelsea), Ivan Toney (Brentford).

Gool FM.
from Gool FM https://ift.tt/jJNYWb2
via IFTTT
0 Comments