Tababare Carlo Ancelotti oo ku dhawaaqay liiska xiddigaha uga qeyb galaya kulanka Celtic ee tartanka UEFA Champions League… (Yaa ku soo baxay?)

(Madrid) 05 Sebt 2022. Macallinka Kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa shaaciyey diiwaanka xiddigaha naadigiisa uga qeyb galaya xilli ciyaareedkan tartanka UEFA Champions League.

Tartanka koobka horyaallada Yurub ayaa dib u soo laabanaya todobaadkan, iyadoo koox waliba ay shaacinayso xiddigaha uga qeyb galaya heerka guruubyada tartanka Naadiyada Yurub.

Kooxda xafidanaysa Koobka horyaallada Yurub ee Champions League ayaa ka mid noqotay kooxaha shaaciyey xiddigaha uga qeyb galaya tartankan heerkiisa guruubyada xilli ciyaareedkan.

Liiska ay shaacisay Los Blancos, waxaa ka soo dhex muuqday dhammaan xiddigaha waa weyn ee Naadiga.

Haddaba halkaan hoose ka eeg diiwaanka xiddigaha Kooxda Real Madrid uga qeyb galaya heerka Guruubyada Champions League oo dhammaystiran gaar ahaan kulanka Celtic:-

Goolhayeyaasha: Courtois, Lunin iyo Luis López.

Daafacyada: Carvajal, E. Militão, Alaba, Nacho, Rüdiger, F. Mendy.

Khadka dhexe: Kroos, Modrić, Camavinga, Valverde, Lucas V., Tchouameni, D. Ceballos.

Weerarka: Hazard, Benzema, Asensio, Vini Jr., Rodrygo, Mariano.

Image

Gool FM.



from Gool FM https://ift.tt/ZuJoSv6
via IFTTT

Post a Comment

0 Comments