(Liverpool) 03 Sebt 2022. Shaxda rasmiga ah kulanka Kooxaha Everton iyo Liverpool ee horyaalka Premier League ayaa la shaaciyey.
Kooxda kubadda cagta Everton ayaa soo dhoweynaysa dariskeeda Liverpool, waxaana ay galabta oo Sabti ah ku qaabilayaan garoonka Goodison Park kulankii ugu horreeyey Merseyside derby ee xilli ciyaareedkan 2022-23.
Toffees kooxda lagu naynaaso ayaa kulankan soo galaysa iyadoo guul la’aan ah shanteedii kulan ee ay ciyaartay horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan illaa iyo haatan.
Dhanka kale Liverpool ayaa guul ka gaartay daqiiqadii ugu dambeysay kulankii Arbacadii ay la ciyaareen Newcastle United, waxaana ay doonayaan inay caawa guulahooda sii wataan isla markaana ay gaaraan guushoodii saddexaad oo xiriir ah.
SAFAFKA RASMIGA EE LABADA KOOXOOD HALKAAN HOOSE KA EEG:-
Liverpool XI: Alisson, Alexander-Arnold, Gomez, van Dijk, Tsimikas, Elliott, Fabinho, Carvalho, Diaz, Nunez, Salah.
Subs: Adrian, Arthur, Matip, Bajcetic, Phillips, Milner, Firmino, Jota, Robertson.
Everton XI: Pickford, Patterson, Coady, Tarkowski, Mykolenko, Davies, Onana, Iwobi, Gordon, Maupay, Gray.
Subs: Begovic, Keane, Allan, Vinagre, Rondon, Mills, McNeil, Coleman, Gueye.
Gool FM.
from Gool FM https://ift.tt/qFnXSxU
via IFTTT
0 Comments