Shaxda rasmiga ah kulanka Kooxaha Real Madrid iyo Real Mallorca ee horyaalka La Liga oo la shaaciyey

(Madrid) 11 Sebt 2022. Shaxda rasmiga ah kulanka Kooxaha  Real Madrid iyo Real Mallorca ee horyaalka La Liga ayaa la shaaciyey.

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa doonaysa inay sii wadato qaabka boqolkiiba boqol ah oo ay ku bilaabatay horyaalka La Liga kal ciyaareedkan, waxaana ay sidoo kale rabtaa inay dib ugu soo laabto hoggaanka horyaalka La Liga, marka ay maanta soo dhoweynayso Real Mallorca.

Los Blancos ayaa doonaysa inay gaarto guusheedii todobaad oo xiriir ah tartammada oo dhan, kulanka galabta ka dhacaya garoonka Santiago Bernabeu.

Real Madrid ayaa sidoo kale muhiimad weyn siinaysa sidii ay hoggaanka horyaalka La Liga maanta uga soo ceshan lahayd dhiggeeda Barcelona oo xalay si ku meel gaar ah hal dhibic ugu soo qabatay.

SAFAFKA RASMIGA EE LABADA KOOXOOD HALKAAN HOOSE KA EEG:-

Real Madrid XI: Thibau Courtois, Lucas Vazquez, Antonio Rudiger, David Alaba, Ferland Mendy, Dani Ceballos, Toni Kroos, Fede Valverde, Rodrygo Goes, Vinicius Junior, Eden Hazard.

Real Mallorca XI: Rajkovic, Copete, Raillo, Valjent, Maffeo, Battaglia, Sanchez, Rodriguez, Costa, Muriqi, Kang-In.

Gool FM.



from Gool FM https://ift.tt/9BlzioA
via IFTTT

Post a Comment

0 Comments