(Madrid) 11 Sebt 2022. Real Madrid ayaa garoonkeeda Santiago Bernabéu ku garaacday Real Mallorca, kaddib markii ay kaga adkaatay 4-1, ciyaar ka tirsaneyd horyaalka La Liga ee dalka Spain.
Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida ahayd ee Real Mallorca.
Daqiiqadii 35-aad Real Mallorca ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu 0-1 ka dhigay weeraryahankooda Vedat Muriqi, kaddib markii uu ka caawiyay saaxiibkiis Kang-In.
Laakiin 45 + 3 marka ay dheesha mareysay Real Madrid ayaa dhalisay goolka barbardhaca kaddib markii uu 1-1 ka dhigay Valverde oo caawin ka helay Ceballos.
Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.
Daqiiqadii 72-aad ayaa hoggaanka u qabatay dheesha kaddib markii uu 2-1 ka dhigay xiddigeeda reer Brazil ee V. Junior, waxaana ka caawiyay saaxiibkiis Rodrygo.
Rodrygo oo ay caawin kaga timid saaxiibkiis Carvajal ayaa daqiiqadii 89-aad wuxuu dheesha ka dhigay 3-1 ay ku hoggaamineysay Real Madrid.
90 + 3 Real Madrid ayaa sii dheereysatay hoggaanka ciyaarta Antonio Rüdiger oo ay caawin kaga timid Toni Kroos ayaa wuxuu ciyaarta ka dhigay 4-1 ay ku hor kaceysay Los Blancos.
Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 4-1 ay kaga adkaatay Real Madrid Real Mallorca oo marti ugu ahayd garoonka Santiago Bernabéu, Los Blancos ayaa dhanka kala sarreynta horyaalka ku hoggaamineysa 15 dhibcood, waxayna 2 dhibcood ka sarreysaa Barcelona kaalinta labaad fadhisa isla markaana 13 dhibcood heysata.
Gool FM.
from Gool FM https://ift.tt/0yTnSwc
via IFTTT
0 Comments