RASMI: Chelsea oo tababaraheeda cusub u magacaawday Graham Potter

(London) 08 Sebt 2022. Chelsea ayaa ku dhawaaqday maanta oo Khamiis ah, inay la saxiixatay Graham Potter si uu u qabto shaqada tababaranimo ee kooxda, kaddib markii laga ceyriyay Thomas Tuchel.

Sida laga soo xigtay wargeyska “The Sun” tababarihii hore ee kooxda Brighton Graham Potter, ayaa ogolaaday inuu heshiis muddo 5 sano ah la galo Blues, kaddib wada xaajood deg-deg ah oo u bilaabmay labada dhinac Arbacadii.

Chelsea ayaa si degdeg ah ugu dhaqaaqday saxiixa Potter, si ay u badasho Tuchel, kaasoo shaqada laga ceyriyay kaddib markii Blues ay guuldarro 0-1 ah kala kulantay Dinamo Zagreb kulankii Champions League.

Kooxda Brighton ayaan ka laba labaynin inay u ogolaato Chelsea inay la hadasho macalinkooda, waxaana wadahadalo u furmay labada dhinac, saacado kaddib markii la ceyriyay Thomas Tuchel.

Kaddib wadahadal wanaagsan oo uu la yeeshay milkiilayaasha kooxda Chelsea ee   Todd Boehly iyo Behdad Eghbali, ayuu macalinka reer England ogolaaday inuu tababare u noqdo Blues.

“Chelsea FC waxay ku faraxsan tahay inay Graham Potter ku soo dhaweyso tababaraha cusub ee kooxda, wuxuuna inoo saxiixay heshiis shan sannadood ah” ayaa lagu yiri warbixinta kooxda.

Dhankiisa Graham Potter oo ka hadlay dareenkiisa ayaa wuxuu yiri:

“Aad ayaan ugu faraxsanahay, inaan matalo Chelsea, kooxdan cajiibka ah, waxaana rajeynayaa inaan la kulmo oo aan la shaqeeyo ciyaartoyda iyo sameynta koox ay taageerayaasha ku faani karaan.”

Gool FM.



from Gool FM https://ift.tt/GXOgZJS
via IFTTT

Post a Comment

0 Comments