(Madrid) 02 Sebt 2022. Tababaraha kooxda Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa qiray in Premier League uu ka sarreeyo dhammaan horyaalada kale.
Carlo Ancelotti ayaa wuxuu sidoo kale ka hadlay dhibka uu leeyahay kulanka soo socda ee Real Madrid kula ciyaarayaan kooxda Real Betis horyaalka La Liga.
Real Madrid ayaa habeen dambe oo Sabti ah ku marti galin doonta kooxda Real Betis garoonka Santiago Bernabeu, si ay u wada ciyaaraa kulan qeyb ka ah Isbuuca afaraad horyaalka La Liga ee xilli ciyaareedkan, wuxuuna kulankan noqonayaa mid muhiim ah maadaama labada kooxood ay dhibco ahaan siman yihiin.
Suuqa kala iibsiga xagaaga ayaa dhamaaday, waxaana hubaal ah in dhamaan heshiisyadii rikoorka ahaa loo diiwaan galiyay horyaalka Premier League-ga, oo ah kan ugu xoogan dhanka dhaqaalaha, marka loo eego dhamaan horyaalada kale.
Ancelotti oo ka hadlay shirkiisa jaraa’id ee ka hor kulanka, ayaa yiri: “Kulanka Real Betis waa mid adag marka loo eego waxa ay soo bandhigeen xilli ciyaareedkan, laakiin waxaan ku ciyaari doonaa gurigeena, aan aragno inay tani faa’iido noo tahay.”
Mar uu ka hadlayay in Premier League uu ka sarreeyo dhammaan horyaalada kale, ayaa wuxuu yiri:
“Ma garanayo goorta ay tani joogsan doonto, hadafka horyaalada oo dhan, ma ahan kaliya Spain, waa in lagu soo dhawaado iyaga, isla markaana qor loo qaado tayada ciyaarta iyo jawiga ugu fiican ee garoomada iyada oo aan rabshad lahayn.”
“Premier League wuxuu u soo maray waddo dheer oo lagu iibinayo xuquuqda TV-ga, wuxuu ku garaacay dhamaan horyaalada kale garoomo wanaagsan oo aan rabshad lahayn iyo jawi aad u wanaagsan, marka horyaalada kale waa in ay hiigsadaan dhinacyadaas kahor inta aysan ka fikirin tartankiisa.”
Gool FM.
from Gool FM https://ift.tt/09aIDZO
via IFTTT
0 Comments