(Manchester) 16 Sebt 2022. Tababaraha kooxda Manchester United Erik ten Hag ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay goolkii ugu horeyay xilli ciyaareedkan uu dhaliyay Cristiano Ronaldo.
Ronaldo ayaa dhaliyay goolkii labaad kulankii ay kooxdiisa la ciyaartay FC Sheriff ciyaar ka tirsanayd kulammada 2-aad ee wareega Group-yada ee tartanka Europa League.
Manchester United ayaa saddexda dhibcood ka soo heshay kooxda FC Sheriff oo ay booqatay, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-2, kulankooda labaad wareega group-yada ee tartanka Europa League.
Wargeyska Daily Mail ayaa shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Erik ten Hag, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:
“Ronaldo waxaa ka go’an mashruuca Manchester United.”
“Ronaldo aad ayuu ugu dhow yahay, marka uu helo taam ahaansho badan wuxuu dhalin doonaa wax badan.”
“Si buuxda ayey uga go’an tahay mashruucan, si buuxdana wuu uga qayb qaadanayaa, Ronaldo wuxuu xiriir la leeyahay dadka ku xeeran garoonka dhexdiisa, isaga ayaana dhisaya xiriirkan, marka waan ku faraxsanahay tan.”
“Waan ku faraxsanahay in aan gool dhaliyo oo aan kooxda ka caawiyo in ay ku guulaysato, 3 dhibcood oo muhiim ah, rag aad u fiican.”
Ronaldo ayaa sawirkiisa soo dhigay bartiisa Instagram-ka sawirka isaga iyo saaxiibadiis, wuxuuna soo raaciyay qoraal ah:
“Waan ku faraxsanahay in aan gool dhaliyo oo aan kooxda ka caawiyo inay ku guulaysato, 3 dhibcood oo muhiim ah.”
Gool FM.
from Gool FM https://ift.tt/ucGLXSq
via IFTTT
0 Comments