Miyuu seegi doonaa Benzema kulammada Derby Madrid iyo El Clasico?

(Madrid) 07 Sebt 2022. Warbixin ka soo baxday Faransiiska ayaa shaaca ka qaaday, maanta oo Arbaco ah, mudada uu garoomada ka maqnaanayo weeraryahanka Real Madrid ee Karim Benzema, kaddib markii uu ku dhaawacmay kulankii xalay ay Celtic ku wada ciyaareen Champions League.

Real Madrid ayaa ku dhawaaqday in Benzema uu soo gaaray dhaawac muruqa ee dhanka lugta midig ah.

Sida laga soo xigtay wargeyska “L’Equipe”, maqnaanshaha ciyaaryahanka wuxuu noqon doonaa 10 ilaa 20 maalmood, sidaas darteed wuxuu seegi doonaa kulanka Mallorca, Axadda soo socota, iyo Derby Madrid ee Atletico ee 18-ka September.

Real Madrid ayaa sidoo kale lumin doonta adeega Benzema ee kulanka RB Leipzig ee Madrid, Arbacada soo socota, kulankooda labaad ee wareega group-yada Champions League.

Wargeyska “Marca” ayaa sheegay in Karim Benzema uu sidoo kale ka maqnaan doono xulka qaranka France, kulammada caalamiga ah ee soo socda.

Xiddiga reer France ayaa la filayaa inuu soo laabto, 2-da October, kahor kulanka Osasuna ay ku wada ciyaari doonaan horyaalka La Liga.

Karim Benzema ayaa diyaar u noqon doona kulanka El Clasico oo ay wada ciyaari doonaan kooxaha Real Madrid iyo Barcelona 16-ka October.

Gool FM.



from Gool FM https://ift.tt/MkJvyf2
via IFTTT

Post a Comment

0 Comments