(Yurub) 15 Sebt 2022. Manchester United ayaa saddexda dhibcood ka soo heshay kooxda FC Sheriff oo ay booqatay, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-2, kulankooda labaad wareega group-yada ee tartanka Europa League.
Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-2 ay ku hoggaamineysay kooxda martida ahay ee Manchester United.
Daqiiqadii 17 –aad Manchester United ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu 0-1 ka dhigay Sancho, waxaana ka caawiyay Eriksen.
39 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay Manchester United ayaa loo dhigay rigoore waxaana gool u badelay Cristiano Ronaldo, dheesha ayaa waxay sidaas ku noqotay 0-2.
Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.
Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 0-2 ay kaga soo adkaatay Manchester United, kooxda FC Sheriff oo ay booqatay.
Gool FM.
from Gool FM https://ift.tt/l2yerQB
via IFTTT
0 Comments