Man United oo saddexda dhibcood ka soo heshay Leicester City oo ay ku booqatay garoonka King Power

(Leicester) 01 Sebt 2022. Manchester United ayaa saddexda dhibcood ka soo heshay Leicester City oo ay ku booqatay garoonka King Power, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-1, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada toddobaadkan ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda Manchester United.

Daqiiqadii 23-aad Manchester United ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu 0-1 ka dhigay Jadon Sancho, waxaana ka caawiyay saaxiibkiis Marcus Rashford.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Balse ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 0-1 oo ay Manchester United kaga soo adkaatay kooxda Leicester City oo ay ku booqatay garoonka King Power, Red Devils ayaa soo fariisatay kaalinta 5-aad ee kala sarreynta horyaalka Premier League kaddib markii ay heshay 9 dhibcood.

Gool FM.



from Gool FM https://ift.tt/BQvrEGT
via IFTTT

Post a Comment

0 Comments